List

Bayaan Ay Saxafada So Garsiyen Odayasha, Waxgaradka,Culimada

07 Nov 2015 posted by [boosaaso ]

Qoraal si rasmi ah maantay ay Saxaafadda u soo gaarsiiyeen Odaaysha, Nabadoonadda, Waxgaradka, Culu’odiinka iyo Aqoonyahanadda Beesha wabeenye ee Puntland ayaa waxa ay sheegeen in ay Kalsoonidii kala laabteen Maamulka Madaxweyne Dr.CaBDI CALI GAAS

Odayaasha ayaa taasi sababa uga dhigay, iyagga oo ku tilmaamay in Dowladu diiday wada tashiyo dhowr ah oo ay horey u qorsheysay in ay la yeelato Madaxweyne,

Hadaba, shirar mudo bil ah u soconayey beelaha tolka wabeeneye, ayna ka qayb galeen Guurtida, Waxgaradka,Aqoonyahanka,Culima’udiinka iyo ganacsatada , waxaa lagu lafaguray, lagu qiimeeyay talona laga gaaray xaaladaha guud ee jira, iyo gaar ahaan sidii mustaqbalka looga gaashaaman lahaa musuqmaasuqa iyo marin habaabinta hogaanka maamulka PL.

.Tolku isagoo hore adkaysi wayn ugu yeeshay, hoosna aan u eegin qiimayndaro, qadarinla’aan,, ilhaano iyo dhibaatooyin isdabajoog ah horena aan loo filihayn uu kala kulmay hogaanka maamulka PL, balse xeerinaya, aadna u xaqdhawraya xasiloonida iyo xiriirka wacan ee uu tolku la leeyahay tolalka kale ee dhib iyo dheef wadaagba yihiin, isagoo danihiisa gaarka ka hormarinaya mida guud , ayidsan maamul xalaal ahi inuu ka jiro geyiga PL, wuxuu talo ku gaaray qodobada hoos ku qoran:

• Markuu arkay in hogaanka MGPL ku sifoobay danaysi xad-daaf ah, amar kutaaglayn,kelitaalisnimo, gobolaysi, adeegsi qabyaaladeed, qaraabokiil, qarandiidnimo, caburin , curyaamin bulsho iyo waxqabad la’aan.

• Markuu odarosay in aan dib dame loo aamini karin hogaanka MGPL ,dadkana dulqaadkii ka dhamaaday .

• Markuu arkay in khayraadkii badaha bariga cadow dool ku yimid loo fasaxay, iyadoo la dhaafsaday SANDAREERTO ( SANDAREERTADA SACU SOOR MOOD WAASE LUGU SABAY), saboolkii meraroodu bada ahaydna ay indhowaale quus la fadhiyeen.

• Markuu ogaaday in hogaanka MGPL aad ugu dhego nuglaaday yeerisyada nacabka soomaaliyeed waxay doonaana ku fushadeen kuwaas oo hore ugu hungoobay codsiyo ay u soo bandhigeen madaxdii hore ee Qaranka.

• Markuu ka yaxyaxay sida loo curyaamiyey cagtana loo saaray Mashruucdii dalka   sida mashruucii maakhir univercity iyo gobolada laamiga ka baxsan

• Markuu ka damqaday Mashruucii balaarinta Daayctirka iyo Qalabaynta Dekada Boosaaso oo loo quuriwaayey lana horjoogsaday loona fasaxay Gobolkale oo ah (Berbera) ayadoo shacabka loo been guuraayo lana tusaayo in dekedii hada dhismeheedii la fasxay.

• Markuu ogaaday in hogaanka MGPL diiday fulinta Mashruucii Dariiqa Boosaaso iyo Qow iku xira, kaas oo daraasadiisu dhamaatay lacagtiisana uu diyaariyey Midowga imaaraadka cvarabta.

• Markuu ka yaabay aragtida xun ee lagu horjoogsaday mashruucii weynaa ee Biyo helida iyo Beero tabcashada ahaa ee Qow PROJECT, fayska kowaadna lagu bixin lahaa $600,000 oo doolar.

• Markuu arkay in hantida xooga leh ee laga qaado shacabka PL ay kordhisay qayilaad iyo qashin, kolkay dad aan waxba qaban, qabana Karin intooda badani jeebka u gashay, waxna looga qoondeyn arimaha Bulshada ee xasaasiga ah sida caafimaadka dad iyo xoolo wax-barashada biyaha IWM, faraqana loogu shubay wufuud dibadeed oo lacag doon ah,halka dhabarka loo duwey ama laga seexday siyaasiyiinta  halgamayasha ah, una dhashay PL.

• Markuu xaqiiqsaday in aan hogaanka MGPL ehel u ahayn ayaaha dalkan xilkiina la kufay, horena loogu qaldamey, iminkana uu cadaystay in uu weli danaynayo inuu sii ahaado hogaanka MGPL,farina ka qodnayn hadafkiisa.

• Markuu xaqiiqsaday in aan hogaanka MGPL soo weynayn,aqbalayn, kana soo horjeedo in aqoonyahanada Puntland wax horumar ah ka sameeyaan geyigan, aan ahayn kuwa uu isagu rabo.

• Markey cadaatay in hogaanka MGPL diyaar u ahayn in uu arimaha xasaasiga ah ee dalka kala tashado Isimadii,Waxgaradkii, Aqoonyahankii iyo Bulshowayntii xilka u dhiibatey.

markuu arkay inuu arimihii dhaqanka ee puntland looga danbeyn jiray uu faraha la galay asagoo dhisaaya fara gelin xooglehna ku haya arimaha daakhiliga qaabaailka puntland asagoo dhisaaya isimo asaga taabacsan kuna dul dhisaayo isimo gacan ku rimisa.

• Markuu arkay in hogaanka MGPL u arkay geyiga PL dal la helay oo aan ehel lahayn.

• Markuu arkay in hogaanka MGPL kasban waayey hay’adaha caalamiga ah ee ku sugan PL, gaar ahaana kuwa Boosaaso ku amray inay Gaalkacyo degaan, lana arko inuu inuu caasimada ka rari doono dabkana ka seexiyey boqolaal qoys oo caasimada iyo magaalada ganacsiga puntland bosaso ku sugan.

• Markuu arkay in hadana hogaanka MGPL amar ku bixiyey in NGOyada lokalka ah ee gobolka nugaal la baabi’iyo, lana abuuro kuwa hor leh oo ka howlgala gobolo kale,ayna ugu muuqato in aan gobolka nugaal u baahnayn wax horur mar ah.

• Markuu arkay inay nasiibdaro tahay in aan hogaanka MGPL ka warqabin in waqti dhow aan wax gaadiid badeed ahi ku soo xiran doonin dekeda Boosaaso bacaad iyo qashin qariyey darteed.

• Markuu arkay sunta halista ah ee ka soo butaacaysa xeebaha Puntland iyo cabashada shacabka, iyo sida Hogaanka MGPL dhegaha uga qabsaday inuu ka hadlo,sidaana raali uga yahay, oo weliba gacan siin weyey baabinta alshabaab burcad badeeda iyo kooxo qawleysato laaluush qaatayaala oo madaxtooyadu ogtahay.

. Markuu Arkay Falalka dilala ah iyo weliba amni xumadda weyn ee dalka ka jirta, arkayna dalxiiska uu ka dhammaan waayey Madaxweynaha.

kolkuu arkay ciidankii dawwwlada puntland iney kala dareereen mushaar la,aanta ku dhacdey awgeed furumihii galgala tukaraq iyo gaalkacyana ay haawanayaan.

maruu arkay musuqmaasuqa ka jira xaga maaliyada dalka iyo sida loo maamulo oo ay gacanta ugu jirto kooxo diirato ah oo aan xishoon.

markuu arkay deegaanada puntland dhaqaalihii inuu guuray ganacsigiina guurey dadkiina ay beerka dhulka ku hayaan ganacsatii waaweyneedna ayba ukala hayaameen dubai cumaan gadar iyo hargeysa muqdisho iyo africada kale ayagoo maalkoodii la guurey.

markuu arkay qabyaalada qaawan eexda reerya xumida tayo darida golaha fulinta ka dhex jirta.

markuu arkay balanqaadyadii uu madaxweyne gaas ku soo galay doorashooyinka puntlan laba sano ka hor ineysan waxba ka fulinin waxaa ka mid ahaa inuu soo dhisi doono.

A-nidaamka axsaabta badan

B-hanti dhawrka guud ee puntland

C-Maxkamada dastuuriga ah ee puntland

F-ciidamada puntland in dib u habeen lagu sameeyo mushaarooyinkoodana ay helaan

G-baahinta maamulka oo gaara dhulka ka baxsan laamiga

H-gobolka maqan ee Sool laasacaanood faatoxo laguma qabsan laguna soo celin maayo

iyo balanqaadyo intaas kabadan oonaan halkan ku soo koobi karin.

kadib markuu arkay dhulkii iyo hantidii dalka oo si bareera loo beecinaayo sida dhulka balaaran ee ku teedsan deegaanka qow asagoo ka gadaaya dawlada imaaraadka si ay ugu fushato daneheeda oo ah iney ka gurato macdanta iyo dhagaxa qaaliga ah ee deegaankaas ale maneestay.

kadib markuu arkay dagaalda sokeeye ee ka soo cusboonaaday deegaanada u dhexeeya sool mudug kililka shanaad goboilka bari iyo galbeedba oo dadyowgii wada dhistey puntland ay isku leeynayaan ayadoona madaxda dalku xal ay u waayeen.

Sidaas darteed, Baaritaan iyo qiimayn qoto-dheer kaddib Tolka wabeeneye wuxuu ku talinayaa in Isimada Waxgaradka, Aqoonyahanka iyo Dhamaan Bulsho weynta isir wadaaga ah ee Gobolada iyo Degmooyinka Geyiga Punland ay u midoobaan sidii xal hagaagsan loogu heli lahaa majaro habowga uu la yimid hogaanka MGPL.

wabilaahi tawfiiq

Beelweynta Wabeeneeye ee gudaha dalka Puntland.


Bosaso24.com

E-mail: bosaso24@bosaso24.com

Machadka Damu Jadid Ee HERITAGE Darasadiisa Bib U Curineysa Dagaalo Sokeeye Oo Ka Dhaca Gaalkacy

30 Dec 2016

[Video]Ciidamada Jubaland oo wali wada hawlgaladii la dagaalanka Alshabaab

28 Dec 2016

[Sawiro] Dekeda Boosaaso Oo Aad U Mashquulsan Maalmahan Iyadoo Ay Ka Soo Degayaan Qalab Iyo Raas

28 Dec 2016

[Video] Kismaayo Oo Boqolaal Dhalinyaro Ah Loo Qoray In Ay Ku Biiraan Ciidamada Poliska

27 Dec 2016

[Video] Cali Maxamed Geedi Oo Ku Soo Biiray Musharixiinta Xilka Madaxweyne Ee Soomaaliya 2016 -

18 Dec 2016

Shirkada Jubba Airways Ayaa Ka Bilowday Bosaso International Airport Duulimaad Isku Xira Bosaso

18 Dec 2016

Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid Oo U Dhoofay Imaraadka Carabta.

14 Dec 2016

[Video] Xildhibaanada Labada Aqal Ee Puntland Oo Sagootin Heer Sare Ah Garoowe Loogu Sameeyay

13 Dec 2016

[Video] Madaxweynaha Dawlada Puntland Oo Waraysi Xiiso Leh Siiyay Tv STN

13 Dec 2016

[Sawiro] Ciidamada Amaanka Oo Hawlgal Ay Sameeyeen Ku Soo Qabtay Maandooriye Iyo Ragii Watay

13 Dec 2016