List

labo Wiil oo Walaalo ah oo Soomaaliyeed oo lagu Dilay Dalka Swedan

03 Dec 2016 posted by [abdallaomar ] Magaalada Stockholm ee dalka Sweden waxaa xalay Saacada marka ay aheyd 22:00 lagu dilay labo wiil oo Soomali ah xili ay fadhiyeen baar laga caweeyo kaas oo ku yaalo goob ay Somalidu aad ugu badan tahay lana yiraahdo Rinkeby.



Allaha U naxariistee labadaan Wiil ee Soomalida ahaa islamarkaana Walaalo ahaa ayaa fadhiyay  baarka Rinkeby, kadibna waxaa halkaas  weerar ku qaaday dhalinyaaro kale oo lagu qiyaasay 20 ilaa 25 kuwaas oo ku hubeysnaa bastoolado iyo qoryaha daran dooriga u dhaca.

Qasaaraha goobta ka dhashay ayaa ah labadan Wiil oo isla goobta ku dhintay iyo mid kale oo dhaawac ah kaas oo loola cararay Cisbitaal, falka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamada Booliska Magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Saakay oo sabti ah ayaa la filayaa in la aaso labada wiil ee Soomalida ahaa ee la dilay, war kooban oo baxay taliska booliska dalka Sweden ayaa lagu sheegay in xaafadaas laga furi doono xarun boolis islamarkaana la geyn doono Ciidamo badan oo ka hortaga falalka noocaan oo kala ah.


Bosaso24.com

E-mail: bosaso24@bosaso24.com

Machadka Damu Jadid Ee HERITAGE Darasadiisa Bib U Curineysa Dagaalo Sokeeye Oo Ka Dhaca Gaalkacy

30 Dec 2016

[Video]Ciidamada Jubaland oo wali wada hawlgaladii la dagaalanka Alshabaab

28 Dec 2016

[Sawiro] Dekeda Boosaaso Oo Aad U Mashquulsan Maalmahan Iyadoo Ay Ka Soo Degayaan Qalab Iyo Raas

28 Dec 2016

[Video] Kismaayo Oo Boqolaal Dhalinyaro Ah Loo Qoray In Ay Ku Biiraan Ciidamada Poliska

27 Dec 2016

[Video] Cali Maxamed Geedi Oo Ku Soo Biiray Musharixiinta Xilka Madaxweyne Ee Soomaaliya 2016 -

18 Dec 2016

Shirkada Jubba Airways Ayaa Ka Bilowday Bosaso International Airport Duulimaad Isku Xira Bosaso

18 Dec 2016

Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid Oo U Dhoofay Imaraadka Carabta.

14 Dec 2016

[Video] Xildhibaanada Labada Aqal Ee Puntland Oo Sagootin Heer Sare Ah Garoowe Loogu Sameeyay

13 Dec 2016

[Video] Madaxweynaha Dawlada Puntland Oo Waraysi Xiiso Leh Siiyay Tv STN

13 Dec 2016

[Sawiro] Ciidamada Amaanka Oo Hawlgal Ay Sameeyeen Ku Soo Qabtay Maandooriye Iyo Ragii Watay

13 Dec 2016