List

[Sawiro] Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Oo Garowe Shir Kula Yeeshay Wafdi U Hogaminyay Taliyaha Booliska QM U Qaabilsan Soomaaliy

08 Dec 2016 posted by [boosaaso ]

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. C/qaadir Shire Faarax Erag iyo Madax kale ee Puntland ayaa Maanta Garowe shir kula yeeshay Wafdi u hoogaminyay Christoph buik Taliyaha Booliska QM u qaabilsan Soomaaliya.

Shirkan oo ka dhacay Xarunta Hay’adda Cilmi Baarista Puntland ee PDRC ayaa loga hadlay Qaab-dhismmeedka Cusub ee ay yeelanayaan Ciidamada Booliska Soomaaliya oo lagu wado in tayayn lagu sameeyo.

Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland ahna ku simaha Wasiirka Amniga Puntland C/casiis Aadan Guul iyo Sharci yaqaano reer Puntland ayaa shirka qayb ka ahaa,waxaana la isku raacay in la sameeyo Gudi farsamo oo ka shaqeeya Qaab dhismmeedka Cusub ee Ciidamada Booliska Soomaaliya ay yeelandoonan.


Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa Xusay in Tayaynta Ciidamada Booliska Puntland meel fiican ay marsiinayaan blse ay u baahan-yihiin in laga gacansiiyo Tobobarada Ciidamada iyo inay helaan Dugsiyo Tobobareed oo Puntland u gaaar ah.

Sidoo kale, Taliyaha Booliska Puntland Jen. Erag ayaa tilmaamay in Ciidamada Booliska Soomaaliya qaab-dhismeedkooda cusub lagu saleeyo Cilmiga iyo cudud booliska Maamul kasta oo Soomaaliyeed u leeyahay.

Dhinaca kale, Taliyaha QM u qaabilsan Booliska Soomaaliya Christoph buik ayaa sheegay in Qaabdhismmeedka Cusub ee ay yeelanayaan Ciidamada Booliska Soomaaliya in uu wax badan u ka badali-doono Amnig Soomaaliya, isagoona Puntland ku amaanay Amniga ay ku naaloonayaan.

Ugu Danbaytii Shirkan ayaa dabo Socday shirar hore oo laga hadalayay Qaabdhismeedka Cusub ee Ciidamada Booliska Soomaaliya ay yeelandoonan, Sida Manhajka Tobarada Ciidamada iyo qeexida qaab xulitaankooda.


















Bosaso24.com

E-mail: bosaso24@bosaso24.com

Machadka Damu Jadid Ee HERITAGE Darasadiisa Bib U Curineysa Dagaalo Sokeeye Oo Ka Dhaca Gaalkacy

30 Dec 2016

[Video]Ciidamada Jubaland oo wali wada hawlgaladii la dagaalanka Alshabaab

28 Dec 2016

[Sawiro] Dekeda Boosaaso Oo Aad U Mashquulsan Maalmahan Iyadoo Ay Ka Soo Degayaan Qalab Iyo Raas

28 Dec 2016

[Video] Kismaayo Oo Boqolaal Dhalinyaro Ah Loo Qoray In Ay Ku Biiraan Ciidamada Poliska

27 Dec 2016

[Video] Cali Maxamed Geedi Oo Ku Soo Biiray Musharixiinta Xilka Madaxweyne Ee Soomaaliya 2016 -

18 Dec 2016

Shirkada Jubba Airways Ayaa Ka Bilowday Bosaso International Airport Duulimaad Isku Xira Bosaso

18 Dec 2016

Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid Oo U Dhoofay Imaraadka Carabta.

14 Dec 2016

[Video] Xildhibaanada Labada Aqal Ee Puntland Oo Sagootin Heer Sare Ah Garoowe Loogu Sameeyay

13 Dec 2016

[Video] Madaxweynaha Dawlada Puntland Oo Waraysi Xiiso Leh Siiyay Tv STN

13 Dec 2016

[Sawiro] Ciidamada Amaanka Oo Hawlgal Ay Sameeyeen Ku Soo Qabtay Maandooriye Iyo Ragii Watay

13 Dec 2016