List

Beesha Calamka Oo Kula Talisay Xasan Sheekh In Uu Ka Tanaasulo Musharax Nimadiisa, Maadaama Uu Lacag Ku Bixiyey Xildhibaano Farabadan

09 Dec 2016 posted by [boosaaso ]

Dowladda Maraykanka ay u sheegtay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka tanaasulo musharaxnimadiisa, sidaasi waxaa ku warramay saraakiil katirsan wasaaradda arrimaha Maraykanka oo ka gaabsaday in magacooda la xuso.

Xasan Sheekh ayaa farriiintan loogu gudbiyey kulan gaar ah oo safiirka Maraykanka iyo isaga ku dhex maray garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Stephen Schwartz, safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa Xasan kula kulmay qaybta VIP ee garoonka kadib markii uu Xasan kasoo laabtay Kismaayo, isaga oo u sheegay in ay qabaan inuu baneeyo xafiiska marka waqtigiisu dhammaado, taasi oo uu Xasan si weyn uga carooday.

Schwartz ayaa u sheegay Xasan in dowladda Mareykanka ay ogtahay in xildhibaano badan ay kusoo baxeen qaab musuq maasuq ah, badankoodna ay yihiin taageerayaasha Xasan, taasi oo hanaankii doorasho ee Soomaaliya ka dhigtay mid aan xalaal noqon karin.

“Mareykanku waxay u sheegeen Xasan in xalka kaliya ee furan uu yahay in Xasan aanu is-sharxin, maadaama xildhibaano badan oo sharci darro ah uu haysto, taasi oo doorashada ka dhigtay mid aan caddaalad noqon karin” ayuu yiri diblomaasi arintan la socda oo codsaday inaan la magacaabin.

Sida xogta aan ku helnay dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale Xasan u sheegtay in beesha caalamku ay dhibsadeen horumar la’aanta ay dowladdiisa la timid iyo deeqaha caalamka ee ay musuqeen intii uu xilka hayey.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku gacan seeray dalabka dowladda Mareykanka, kuna adkeystay inuu musharax yahay.

Arrintan ayaa ka dhigay in haddii Xasan uu guuleysto ay Soomaaliya wajaheyso afar sano oo kale oo beesha caalamka ay marnaba si dhab ah u taageeri doonin.


Bosaso24.com

E-mail: bosaso24@bosaso24.com

MADAWEYNAHA DOWLDA PUNTLAND OO DAAHFUREY FURASHADA XISBIYADA

25 Mar 2017

KOOXO LOOGA SHIKIYEY BURCAD BADEED OO DOONI KU AFDUUBTAY XEEBAHA KU AGDHOW DEGMADA ...

24 Mar 2017

SHIRKA WASIIRADA ARIMAHA DIBADA URUR GOBELDKA IGAD OO NAIROBI KA FURMAY

24 Mar 2017

MUDANAYAASHA BAARLAMAANKA SOOMALIYA EE KAMID NOQDAY XUKUUMADA CUSUB OO KULAN AAN CAADI AHAYN LA

24 Mar 2017

AFHAYEENKA DOWLADA PUNTLAND OO SHACA KA QAADEY IN HAWLGALO AMNI LAGA BILAABAYO CAASUMADA ...

24 Mar 2017

MADAXWEYNAHA DALKA KENYA IYO SOOMALIYA OO SHIR JAAARID WADA QABTAY ...

23 Mar 2017

KENYA IYO SOOMALIYA OO QODOBO MUHIIM AH NAIROBI KU KALA SAXIIXDAY

23 Mar 2017

QARAMADA MIDOOBAY OO KAHADASHEY IN AY WELI HELIN CODSIGII LACAGEED EE WAX LOOGA QABANLAHAA KALMA

23 Mar 2017

MADAXWEYNAHA DOWLADA PUNTLAND OO KA SOO DAGAY GAROWE

22 Mar 2017

Hawlgal laga sameeyey magalada galkio ee gobolka mudig laguna soo qabqabtay dad....

22 Mar 2017