List

[Sawiro] Madaxweynaha Jubbaland Oo Sagootiyay Xildhibaanada Labada Aqal ee La Doortay

13 Dec 2016 posted by [boosaaso ]

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo Munaasabada ka hadlay ayaa ku dheeraday sida ay masuuliyada ay qaadeen uga soo bixi lahayeen Xildhibaanada Cusub wuxuuna husay in ay Jubbaland ku dadaalayso sidii Xildhibaanada deeganku u noqon lahayeen kuwo isku xiran oo hal hadaf leh waxaana uu cadeeyay in taasi ay miro dhashay oo hada ay gudi samaysteen Xildhibaanadu kuwaas oo wixii soo wajaha ay si midnimo leh go’aan uga gaarayaan.

“Waxaan balan qaadayna in aanan caawa idinkaga harin oo aan idin garab istaagno halkan Kismaayo dhul baan idinka siinaynaa oo Dowladu ay guri marti oo aad dagtaan idinkaga dhisto sidii kale Xamar madal ayaad ku yeelanaysaan” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed islaam.

Sidoo kale Waxaa Madaxweynahu uu balan qaaday in hada kadib laga tashan doono in wixii jira ee masiirka dalka ku saabsan si guud looga tashado oo qaab Xisbi ah lagu wajahi doono dadka deegankuna ay u dhan yihiin.


“Waxaan samayn doona labada kun iyo labaatanka in aan Soomaalida kula gorgortano oo aan kula Xisaabtano qaab Xisbi Asxaab ah oo aan ka baxno nidaamkan habka qabiil ku salaysan” ayuu yiri Hogaamiyaha Dowlada Jubbaland.

Xildhibaanada ayuu kula dar daarmay in ay ka fogaadan laaluush iyo wax isdaba marin taas oo xaalka hada dalka uu ku sugan yahay uga sii daraysa.

“Maanta go’aanku idinka ayuu gacantiina ku jiraa waxaad samayn kartaan Tariikh iyo bog Cusub oo aad dhabaha Saxda ah Dalkan ku hagtaan taas oo ah in aad ka dheeraatan Musuq maasuq waana mida Dalkeena u wanaagsan” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam

Maxamed Cumar Carte Qaalib Ra”iisul Wasaare ku xigeenka Dalka ahna Mudane katirsan Baarlamaanka Cusub ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay kasoo qayn galka Munaasabadan uuna arko Dowlad iyo dadkeeda oo wada jira gacmahana is haysta wuxuu xusay in Kismaayo ay tahay meel wax Wanaagsan laga baran karo.

Gabagabadii, Jubbaland ayaa noqday  maamulkii u horreeyay ee soo gabagabaysa doorashada Labada aqalka, iyadoo  xubnaha labada aqal ee la doortay ay magaaladda muqdisho,  kaga qaybgali doonaan doorashada guddoomiyaha barlamaanka federaalka iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo la qabanayo dhammaad bishan december.













Bosaso24.com

E-mail: bosaso24@bosaso24.com

Machadka Damu Jadid Ee HERITAGE Darasadiisa Bib U Curineysa Dagaalo Sokeeye Oo Ka Dhaca Gaalkacy

30 Dec 2016

[Video]Ciidamada Jubaland oo wali wada hawlgaladii la dagaalanka Alshabaab

28 Dec 2016

[Sawiro] Dekeda Boosaaso Oo Aad U Mashquulsan Maalmahan Iyadoo Ay Ka Soo Degayaan Qalab Iyo Raas

28 Dec 2016

[Video] Kismaayo Oo Boqolaal Dhalinyaro Ah Loo Qoray In Ay Ku Biiraan Ciidamada Poliska

27 Dec 2016

[Video] Cali Maxamed Geedi Oo Ku Soo Biiray Musharixiinta Xilka Madaxweyne Ee Soomaaliya 2016 -

18 Dec 2016

Shirkada Jubba Airways Ayaa Ka Bilowday Bosaso International Airport Duulimaad Isku Xira Bosaso

18 Dec 2016

Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid Oo U Dhoofay Imaraadka Carabta.

14 Dec 2016

[Video] Xildhibaanada Labada Aqal Ee Puntland Oo Sagootin Heer Sare Ah Garoowe Loogu Sameeyay

13 Dec 2016

[Video] Madaxweynaha Dawlada Puntland Oo Waraysi Xiiso Leh Siiyay Tv STN

13 Dec 2016

[Sawiro] Ciidamada Amaanka Oo Hawlgal Ay Sameeyeen Ku Soo Qabtay Maandooriye Iyo Ragii Watay

13 Dec 2016