List

Shirkada Jubba Airways Ayaa Ka Bilowday Bosaso International Airport Duulimaad Isku Xira Bosaso, Dubai Oo Toos Ah

18 Dec 2016 posted by [boosaaso ]
Dulimadkan ay bilawaday Shirkada Jubba airways ayaa ah mid ay dadku baahi wayn u qabeen iskuna xiri doona Dubai ,Bosaso,Moqdisho iyo Nairobi waxan Gaaroonka Diradaha Bosaso maanta soo gaartay Diyaaradii ugu horaysay oo isku xiraysa  Bosaso,Dubai iyo Muqdisho,Nairobi.

Duulimaadayda ayaa ah kuwo  ay bulsahdu mudo baahi u qabeen waxaana ay Bosaso maanta ka qaaday Rakaabkii ugu horeeyay ee ay u qaado Dubai horayna uga soo kacday magaalada Muqudisho ee Caasimada dalka .

Siciid Xasan Maxmed Jeesaan oo ah Maamulaha Guud ee Jubba airways ee Puntland ayaa bulshada ugu bushareyey in ay Bosaso ka bilabeen duulimaad cusub  bulshadana ay uga faa’iidaynayaan.

shirkada Jubba airways markay aragtay baahiyo baddan oo ka imaanaya Bulshada Puntland gaar ahaan kuwa Bosaso waxaan go’aan ku gaarnay inaan bilowno duulimaadyo cusub oo isku xiridoona maagaaloyinka Dubai,Muqdisho Nairobi iyo Bosaso, maantana waxaanu si rasmi ah u bilownay dulimaadkii koowaad ee Bosaso Dubai waxaan u shegaynaa bulshada Puntland in ay ka faaiidaystaan fursada ay u keentay sharikada Duulimaadyada ee Jubba airways ”Sidaa waxaa  yiri Maamulaha sharikada Jubba airways ee Puntland.

Mareeyaha Garoonka dirayaradaha Bosaso Bashiir Muuse Cabdiraxmaan waxa uu ka mid ahaa masulyitiin ka hadalay daah durfurka duulimadka Cusub ayaa waxaa uu sheegay in talaabadani tahay mid garoonka usoo
Kordhinaysa horumar balaadhan.

Tan iyo markii xariga laga jaray Garoonka diradaha Bosaso ee Bender Qaasim waxaa socday horumaro kala duwan waxaana marba marka ka dambaysa Garoonku samaynayey hormaro baaxadle  waxaana ay bulshadu  ka siibaxaysaa baahidii duulimaad ee ay u aadi jireen Gobolada kale.

Dhanka amniga ee garoonka ayaa ah mid si wayn loo adkeeyey  waxana  bulshada isticmaasha garoonka diyaaradaha ee Bosaso ay ciidamadu ku amraan In ay maraan baaritaano kala duwan marka ay ka dhoofayaa kana soo degeyaan baaritaanadaas oo lagu xaqiijinayo amaanka.

Juba airways oo mudo kabadan 10 sano  ka hawal galasay  deeganada Puntland ayaa duulimaadkani  waxaa uu noqon doonaa mid ay bulshadu si wayn uga faa’iidaysan donanaan.


Bosaso24.com

E-mail: bosaso24@bosaso24.com

MADAWEYNAHA DOWLDA PUNTLAND OO DAAHFUREY FURASHADA XISBIYADA

25 Mar 2017

KOOXO LOOGA SHIKIYEY BURCAD BADEED OO DOONI KU AFDUUBTAY XEEBAHA KU AGDHOW DEGMADA ...

24 Mar 2017

SHIRKA WASIIRADA ARIMAHA DIBADA URUR GOBELDKA IGAD OO NAIROBI KA FURMAY

24 Mar 2017

MUDANAYAASHA BAARLAMAANKA SOOMALIYA EE KAMID NOQDAY XUKUUMADA CUSUB OO KULAN AAN CAADI AHAYN LA

24 Mar 2017

AFHAYEENKA DOWLADA PUNTLAND OO SHACA KA QAADEY IN HAWLGALO AMNI LAGA BILAABAYO CAASUMADA ...

24 Mar 2017

MADAXWEYNAHA DALKA KENYA IYO SOOMALIYA OO SHIR JAAARID WADA QABTAY ...

23 Mar 2017

KENYA IYO SOOMALIYA OO QODOBO MUHIIM AH NAIROBI KU KALA SAXIIXDAY

23 Mar 2017

QARAMADA MIDOOBAY OO KAHADASHEY IN AY WELI HELIN CODSIGII LACAGEED EE WAX LOOGA QABANLAHAA KALMA

23 Mar 2017

MADAXWEYNAHA DOWLADA PUNTLAND OO KA SOO DAGAY GAROWE

22 Mar 2017

Hawlgal laga sameeyey magalada galkio ee gobolka mudig laguna soo qabqabtay dad....

22 Mar 2017