List

Machadka Damu Jadid Ee HERITAGE Darasadiisa Bib U Curineysa Dagaalo Sokeeye Oo Ka Dhaca Gaalkacyo!!

30 Dec 2016 posted by [boosaaso ]

Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee HERITAGE ee ka dhisan Muqdisho, uuna leeyahay Wasiirka qorsheynta ee Xukuumada Faderaal Cabdiraxmaan Caynte, kana tirsan kooxda abaabushay dibna u kicisey Xiisadaha dagaa ee dul-hoganaya magaalada Gaalkacyo ee DAMU JADIID, ayaa baahiyey shalay daraasad lagu sheegay in ay xal u noqon karto xaaladda Gaalkacyo.

Laakiin Daraasadan waxay muujisay wajiga dhabta ah ee kooxda DAMU JADIID ay ka lahayd magaalada Gaalkacyo dagaaladii ka dhacay sannadkii hor iyo sannadka hadda sii galbanaya, ujeedadaas oo sida Daraasaduba qeexday ahaa in Gaalkacyo laga dhigo magaalo aan daganeyn, dadka wada lehna loo diido in ay ka wada shaqeeyaan.

Nuxurka qeyb ka ah Daraasadan oo ahayd sii qeexid ujeedooyin dambe oo ay fulin doonto Kooxda DAMU JADIID, ay ku guuleysto Madaxtinimada Soomaaliya doorashada dhaw, waxaa lagu muujiyey in ay Gaalkacyo u baahan tahay in hal maamul uu la wareego.

Aragtidan meel fog kama imaan, Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xasan Guuleed ayaa ku dhawaaqay dhamaadkii bishii October 2016 in Gaalkacyo ay yeelan doonto hal maamul gobaleed oo ula jeeday in uu maamulkiisa Galmudug noqon doono mid qabsada magaalada.

Hadalkan wuxuu keenay dagaalka ilaa hadda ka aloosan Gaalkacyo, waxayna Daraasaddan mar kale sii cakiraysaa xaaladda magaaladaas oo ay laakiin dhankoodu sheegteen in ay xal u raadinayaan.

Intii qoraalkan la waday lama qeexin taariikhda magaalada iyo sida loo kala degan yahay, sidaas oo kalena sheekooyinka xiisaha leh ee colaaddan dabka ku sii shidaya waxaa kamid ah qeybsiga Kabayaasha dhaqaalaha ee magaalada Gaalkacyo.

Galmudug oo ay Kooxda DAMU JADIID ku adeegnaysay labadii sanno ee lasoo dhaafay iyo dhismaheedaba, ujeedooyinka ugu waa weyn waxaa kamid ahaa ee asaaskeeda Doorashada 2016-ka iyo Qalalaase la dhex-dhigo bulshada gobalka Mudug.

Shaki ma saarna in dooda qeybsiga Kabayaasha dhaqaale ay tahay midda ay mar kasta Horjoogayaasha Galmudug sheegayaan, taas oo xaaladda uga sii dareysay.

Qoraalka Mackad Heritage ee Madaxda uu ka yahay Cabdiraxmaan Eynte ee Siyaasadda u fatwooda Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu ku sifeeyey xalka Gaalkacyo colaadeeda in ay noqon karaan sadex qodob oo kala ah.

  • Xalka koowaad waa in magaalada Gaalkacyo ay noqoto magaalo ay dawladda dhexe maamusho, Tanni waa aragtidii muddo dheer socotay laakiin hirgali weyday, waxaana Warbixintan ay is bar-bar dhigtay magaalad Dirir-Dhaba ee dalka Itoobiya iyo Gaalkacyo waxaana arrin xusid mudan ah in ay Dirir-dhaba wada degan yihiin dad u kala qeybsan Qowmiyadu kala duwan oo muslim iyo gaalaba leh, Laakiin Gaalkacyo beelo Soomaaliyeed oo isku hal af ah ay wada degan yihiin isna dhalay, waligoodna nabad soo wada ahaa.
  • Xalka labaad waa mid gobolka Mudug u qeybinaya laba gobol, magaalada Gaalkacyo-na labo loo kala qeybiyo, tanni waa falsafad cusub iyo xaalad dagaal huris oo hor leh, waxaana ay maanta ka muuqataa kala xirnanaanshaha Magaaladu in uu yahay mid mudo dheer laga shaqeynayey.
  • Xalka saddexaad waa gorgortan iyo heshiis dhex mara labada maamul ee Puntland iyo Galmudug, ayna ku heshiiyaan in midkood uu magaalada maamulo amaba ay dhistaan maamul wadajir ah, Ujeedada laga leeyahay gorgortan ayaa ah in maamulida Ilaha dhaqaalaha laga wada hadlo, taas oo ah aragtida maanta ay qabaan Hogaamiyaasha Galmudug.

Falanqeynta iyo jiheynta cusub ee DAMU JADIID ay ka damacsan tahay xaaladda Gaalkacyo ayaa hadda banaanka u soo shaac-baxday, waxaana shaki ka taagneyn in dagaalada Gaalkacyo ay sii xoogeysan karaan hadii uu markale guuleysto Xasan Sheekh Maxamuud ama shaqsi kale oo kamid ah kooxdan xubnaha ay taageerayaan.

Intii ay warbixintan socotay lama xusin kaalinta Madaxweynaha dawladda Faderaalka Xasan Sheekh Maxamuud, oo la og yahay in uusan marnaba imaan Gaalkacyo dagaaladii oo socday, dadka dagaalamayana la rumeysan yahay in uu qeyb ka ahaa.

Sidaas oo kale lama xusin hadalada caanka noqday ee uu ku sheegay in ay Gaalkacyo magaalo noqotay intii Galmudug la dhisay, taas oo ahayd arrin muujisay banaankana keentay wajiga dhabta ah ee Kooxda DAMU JADIID ka leedahay Gaalkacyo.

Shaki ma saarna in xalalka iyo dibu eegisyada Warbixintan la daabacay ay tahay mid dib loogu dhaqmi doono, iyadoo hory Daraasad ay soo saartay isla Machadkan HERITAGE, ay ku dhaqantay Madaxtooyada Soomaaliya, raadkeeduna uu maanta ka muuqda gudaha Siyaasada Soomaaliya.


Bosaso24.com

E-mail: bosaso24@bosaso24.com

MADAWEYNAHA DOWLDA PUNTLAND OO DAAHFUREY FURASHADA XISBIYADA

25 Mar 2017

KOOXO LOOGA SHIKIYEY BURCAD BADEED OO DOONI KU AFDUUBTAY XEEBAHA KU AGDHOW DEGMADA ...

24 Mar 2017

SHIRKA WASIIRADA ARIMAHA DIBADA URUR GOBELDKA IGAD OO NAIROBI KA FURMAY

24 Mar 2017

MUDANAYAASHA BAARLAMAANKA SOOMALIYA EE KAMID NOQDAY XUKUUMADA CUSUB OO KULAN AAN CAADI AHAYN LA

24 Mar 2017

AFHAYEENKA DOWLADA PUNTLAND OO SHACA KA QAADEY IN HAWLGALO AMNI LAGA BILAABAYO CAASUMADA ...

24 Mar 2017

MADAXWEYNAHA DALKA KENYA IYO SOOMALIYA OO SHIR JAAARID WADA QABTAY ...

23 Mar 2017

KENYA IYO SOOMALIYA OO QODOBO MUHIIM AH NAIROBI KU KALA SAXIIXDAY

23 Mar 2017

QARAMADA MIDOOBAY OO KAHADASHEY IN AY WELI HELIN CODSIGII LACAGEED EE WAX LOOGA QABANLAHAA KALMA

23 Mar 2017

MADAXWEYNAHA DOWLADA PUNTLAND OO KA SOO DAGAY GAROWE

22 Mar 2017

Hawlgal laga sameeyey magalada galkio ee gobolka mudig laguna soo qabqabtay dad....

22 Mar 2017