List

Kooxda Chelsea Oo KIa Mid Noqotay 16 la Koox Ee Isugu Soo Haray Champion Leage

10 Dec 2015 posted by [boosaaso ]
Kooxda Chelsea ayaa tigidhka u goosatay wareega 16 ka kooxood ee Champions leaque-ga kadib markii ay garoonkeeda guul muhiim ah kaga gaadhay kooxda FC Porto. Chelsea ayaa guushan ku gaadhay 2:0, waxaana goolka hore uu ahaa mid uu iska dhaliyay Ivan Marcano Sierra halka uu goolka labaad qaybta danbe raaciyay Willian. Chelsea ayaa kaalinta kowaad kaga soo baxday Group G.

Kooxda Chelsea ayaa Stamfrod Bridge ku soo dhawaysay kooxda FC Porto, waxaana markale iska hor yimid tababare Mourinho iyo kooxdiisii hore ee Porto oo uu kula soo guulaystay koobka hadda loo tartamayo ee Champions Leaque-ga. Kulankii uu Mourinho iyo kooxdiisa Blues ay booqdeen Porto ee 29kii September ayay kooxda Porto guul ku gaadhay 2:1.

Kooxaha Chelsea iyo Porto ayaa u baahanaa in ay u soo baxaan wareega 16 ka kooxood ee Champions leaque-ga, waxayna sidoo kale u tartamayeen kaalinta kowaad ee Group G. Blues ayaa kulankii ugu danbeeyay ee Champions Leaque-ga 4:0 ku soo xaaqday kooxda yuhuuda ka dhisan ee Maccabi, waxayna Blues kulankan u baahnayd in ay guulaysato si ay iskaga maydho ceebtii Stamford Bridge todobaadkan kaga soo gaadhay kooxda Bournemouth.
.

Kulankan ayaa labada kooxoodba muhiimad gaar ah u lahaa sidaa daraaadeed waxa uu ahaa kulan ayna labada kooxood waxba iskula hadhin.Daqiiqadii 12 aad ayay Chelsea hogaanka ciyaarta kula wareegtay gool muran dhaliyay balse ay garsoorka kulankani go’aankii saxda ahaa qaateen, waxaana goolkan iska dhaliyay Ivan Marcano Sierra, kaas oo Blues hogaanka u dhiibay isla markaana ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Blues hogaanka ku qabtay.

Costa ayaa kubbada fiican ka helay  Hazard wuxuuna Costa kubbada ku darbeeyay goolka Porto, waxayna kubbada oo joog hoose ku socotay ay u tagtay Casillas basle kubbada ayaa Casillas ka soo booday waxayna laabta ama xabadka kaga dhacday Marcano kaas oo isku dayay in uu kubbada goolka ka soo celiyo basle iyada oo Porto doonaysa in ay ciyaarta sii wadato ayuu garsooruhu tilmaamay in ay gool tahay taas oo ahayd go’aan sax ahaa.26

Ciyaarta ayaa noqotay mid adag isla markaana uu kaadhka digniinta ahi hadhbeelay, waxaana qaybta hore kaadhadha digniinta ah qaatay Diego Da Silva Costa iyo Nemanja Matic oo Chelsea ah halka kooxda martida ahaydna laga siiyay Victorio Pereira Páez,Danilo Luís Hélio Pereira  iyo Bruno Martins Indi, waxayna qaybta hore ee ciyaartu ku dhamaatay 1:0 ay Blues hogaanka ku haysay. Qaybta hore ayay wax kastaaba usocdeen sidii ay Chelsea doonaysay, sidan ayayna ahayd kala saraynta Group G.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Chelsea markiiba heshay fursada ay goolkeeda labaad kula iman gaadhay waxaana kubbad fiican oo uu ka helay Costa goolkan ku dhalin gaadhay Willian kaas oo bartilmaameed fiican ku garaacay goolhaye Casillas, laakiin fursadan ayuu Iker Casillas iska badbaadiyay.

Laakiin goolka labaad ee Chelsea ayaan soo daahin, waxaana daqiiqadii 52 aad Chelsea hogaanka u dheereeyay xidiga xili ciyaareedkan qaab ciyaareedka ugu fiican Blues kaga jira ee Willian, kaas oo ka faa’iideeyay kubbad caawin uu ka helay Eden Hazard, waxayna markan ciyaartu noqotay 2:0 ay Blues hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay isla markaana ay heshay goolka kalsoonida.Willian

Chelsea ayaa bilawday in ay ciyaarta maamulkeeda la wareegto maadaamo ay heshay goolka kalsoonida halka ay kooxda Porto raadinaysay sidii ay ciyaarta dib ugu soo laaban lahayd.Willian, Ocar iyo Costa ayaa kulankan qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay taas oo Blues ka caawisay in ay kaalinta guul ka gaadho Porto isla markaana ay kaalinta koowaad kaga soo baxdo Group G. Chelsea ayaa kooxaha Manchester City iyo Arsenal kula biirtay kooxaha England u matali doono Champions Leaque balse Man United ayaa xalay laga reebay.

Bosaso24.com

E-mail: bosaso24@bosaso24.com

Xildhibaannada ka tirsan Maamulka Puntland oo mooshin ka wada Madaxweyne Abdiwali M. Gaas

28 Feb 2017

Madaxweyne Maamulka Puntland Abdiwali M.Gaas oo daah furay keydka shidaalka Diyaaradaha ee Bosas

28 Feb 2017

QARAX GOORDHAWEYD KA DHACAY MAGALLADA MUQDISHO

28 Feb 2017

Madaxweynaha.J.F. ee Soomaaliya oo Furay shir Caalami ah oo laga Hadlaayo xaaladda Abaaraha Soom

28 Feb 2017

Mas’uuliyiin ka socda maamulka Hirshabeelle iyokan Gobolka Banaadir oo gaaray Cadale

27 Feb 2017

Qaadkii ka soo degi jiray Muqdisho oo loo wareejiyay Gaalkacyo iyo Boosaaso

27 Feb 2017

Madaxweynaha Soomaaliya oo dalbaday in Imaaraadku joojiyo saldhigga Berbera.

27 Feb 2017

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo gaaray Suuqa Bakaaraha

27 Feb 2017

Al-shabaab oo sheegaytay in Askar ka tirsan Dowladda ku toogteen Buq Aqable

27 Feb 2017

War deg deg ah-Xaalad kacsanan ah iyo rasaas hadda kadhacaysa qaybo kamid ah degmada..

27 Feb 2017