List

Maqaal:Gaas ma mudanyahay in lagu amaano mashaariicdan puntland ka socota jawaabtu waa adinka akhri xaqiiqda?

28 Dec 2015 posted by [userily ]

Maqaalkan waxaan uga gol leeyahay ciwaankiisa markaan arkay xaaldada Puntland uu marayso , iyo Burburka uu dalku ku suganyahay, taas oo ay sabab u tahay maamul xumada C/wali Gaas iyo Xukuumadda Fadhiidka ah uu hor boodayo , hadaba waxaa dhammaan umadda iyo shacab weynaha Puntland ka dharagsanyihim in Puntland manta ay ku jidho xaalad u baaahan bad baado , iyadooo dad badan uu u leh aqoon dhanka maamul wanaaga ee ay sheegeen Gaas inuu noqday hogaamiye fashilmay taas oo la micne ah In wixii loo igmaday uusan kasoo bixin dib u dhac mooyaane.

Dadka Falanqeeya Siyaasadda Puntland ayaa sheegay in Gaas uu noqday shaqsi ku fashilmay Hogaanka Puntland, kana daray maamulkii la dhaliili jiray ee Faroole.

Waxaa la sheegay in waxyaabaha uu ku fashilmay ay ka mid yihiin, sugidda amniga deegaanada Puntland, ciidamada oo aan helin wax mushaar, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo sidoo kale shaqo abuurka dhalinyarada Puntland aysan helin in goboladii qaybohore maqnaayeen bal kuwii uu la wareegey gacanta ay ka bexeen sida mudug iwm.

Gaas ayaa markii uu musharraxa ahaa waxa uu sheegay in waxyaabaha aynu soo sheegnay dhan uu wax ka qaban doono, hase ahaatee taasi ma aysan dhicin.


Waxaa markasta aan u madda Puntland ee jecel hormarka iyo jiritaanka Puntland u sheegayaa inay kacaan oo dalka bad baadintiisa ka shaqeeyaan dal waxa uu ku dhisanyahay waa shacab , shacabku waa kuwa dal badbaadiya haddii xukumadi ku fashilmato hogaaminta dalka.

Waxaan wada ogsoonahay inuu 13-08-2015 uu magaalada galkacyo khudbad uu ka jeediyay uga hadlay inuu isa soo sharaxi doonin una siyaasadda Puntland iyo maamulkaba ku fashilmay , hadalkaa oo ahaa sidatan (Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay inuusan mar danbe Puntland isku soo sharixi doonin xilka madaxtinimadda Puntland, shacabkana u rajaynayo badal isaga dhaama) hadalkaas ayay dadku siyaabo kala duwan ugu hadal hayaan baraha bulshada iyadoona qaarkood tilmaamayaan inay nasiib daro tahay loona qaadan karo mid quus ah oo laga dhiyad jabayo , kuna muujinayo inuu u is ogyahay inuu fashilmay.

hadaba ma asagaa keenay mashaariicdan socota?

1-Eeraboorka boosaso waxaa bilaabay oo ka soo shaqeeyey mudane cabdiraxman faroole iyo dawladiisii waliba wuxuu geshey waqti iyo kharash aan la koobi karin in mashruucaani socdo oo hirgalo wuxuu laba jeer sararo ku kala bixiyey dalka talyaaniga wuxuu gaaray inuu mashruucaan kala shiro ka dhameeyo madaxda dalka ugu sareysa oo uu ugu horeeyo raysalwasaaraha talyaaniga.

waqtigaas xilka markuu ka degaayey faroole wuxuu furay tenderkii ugu horeeyey ee ay ku tartamaayeen sharikaduhu kii labaadna uu dhimanaa keliya waxaa ka dhimanaa in shaqada la bilaabo ayadoo waliba sharikadan dhistay uu si gooniya madaxweynuhu ula kulmay.

2-Eeraboorka garoowe alaha dhawree waxaa tegey madaxweyne faroole dalka kuweyt wuxuu halkaas kula kulmay madaxda dalka ugu sareysa ayadoo waliba loo soo dhaweyey heer madaxweyne qaran waxuu la kulmay boqorka dalka kuweyt wuxuu la kulmay wasaarada arimaha dibada dalka kuweyt wuxuu la kulmay madaxa mashaariicda dalkaas waxay u balan qaadeen labadan mashruuc ee kala ah EERABOORKA GAROOWE ITYO JAAMACADA BADHAN iney u fulin doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan ayagoo markiiba saxiixii ugu horeeyey halkaas ku kala saxiixdey ayagana lagu casumay iney garoowe yimaadaan wayna yimaadeen oo saxiixii rasmiga ahaa halkaas ay ku siyeen labdas mashuuc shaqadasna waxaa ayana ka dhimaneed in tenderkeeda la furo waana kii dubai lagu furay.

3-DEKEDA MAGALADA BOSASO waxaa heshiiskii ugu horeeyey dawlada imaaraadka kula saxiixdey magaalada dubai mudane faroole kaas oo u dhignaa in la balaariyo lana habeeyo la qalabeeyo lagana dhigo deked caalami ah ayaguna shardi waxay uga dhigeen iney keenaan sharikada dhiseysa oo wuu ka aqbalay arinkaas waxaa heshiiska la galay sharikadii la oran jiray jabal cali  oo 50 dekedood ayadu dhistay kana soo shaqeysey arinkii ayadoo diyaara ayaa dawladii la badalay oo uu dhimanaa heshiiskii ugu danbeeyey ee dhismuhu ku bilaaban lahaa waxay u yeereen md gaas oo arinkii ay u sharexeen markuu arkay inuu diyaarsanyahay mashruucaan ayuu yiri talada anaga nagu wareejiya ama kaash nooga dhiga anagaa dhisaneynee idinku kashka nagu caawiya kashka uu markaas sheegtay waxaa lagu qiyasay lacag $2.5 milion usd markey arkeen inuu kash doon yahayna mashruucoodii dib ayey ula laabteen wuxuu hadana sameeyey heshiis aan rasmi aheen ayuu sharikad maafiya ah la soo galay waxay sharikadasu soo dirsatay  hal nin oo keli ah waa kii ay ku sheegeen waa sharaikadii dhisi lahayd dekeda oy yiraaheen  dekediibaanu dhisme lagu bilaabi donaa ilaa hadana wax muuqda lama hayo aan aheen nin keligii socda oo diyaarad ku laabtay.?

4-JIDKA GAROOWE IYO GAALKACY dhismihiisa waxaa codsiyo u diray dawladii faroole waxay u soo direen madaxdii deeqdan bixin laheed oo uu hogaaminaayo safiirka dalka jarmalka waxaa laba sano ka hor magaalada garoowe booqasho ku yimidey safiirka kenya u fadhiya dalka jarmalka asagaana madaxweynaha balanqaadkaas u soo sheegay kenyana kula saxiixday heshiiskan oo uu ku jiro dib u dhiska ciidanka boliska puntland waxaa jarmalku ku deeqay dhaqaale dhan 28 milyan dolar in labadas mashruuc lagu fuliyo waa tii la ogaa oo gaas dawladiisu heshiiskaas iney dhamaystiraan laisku ogaa ilaa hada caqabada hortaagasn lama yaqaano walow la leeyahay gaas wuxuu codsaday kash qayb in looga dhigo dawlada jarmalkuna ay diidey?

5-labadii maxjar ee xoolaha  puntland ugu waaweynaa ee ka mid ahaa mashaariicdii hirgalay waqtigii dawladii faroole waxaa la soo wariyey in 2ba bilood kadib la xiri doono sababahan looga dhigay in xoolihii iyo ganacsatadiiba u wareegeen dhanka barbara carabtii maalgelisayna ay codsadeen in la xiro maxaa yeelay waxaan khasaaro aheen kuma qabno ayey yiraahdeen hadey taasi dhacdana dhaqaalaha puntland wuu baabayaa sida hadaba muuqata.

6-hayadihii caalamiga ahaa ee ka waday mashaariicda waaweyn waxaa gaas markuu qabtay xafiiska wuxuu madaxtooyada ka furay xafiis la magac baxay xafiiska mashaariicda iyo  hayadaha caalamiga ah oo loogu tala galay in dhaqaalaha hay,aduhu ay dalka geliyaan in lagu soo shubo xafiiskaas qandaraasyadana la geeyo halkaas tenderskana la geeyo halkaas xafiiskaas waxaa ka madaxa nin ay isku raas yihiin madaxweynaha oo la yiraahdo Caynsane.?

Gaas wuxuu baxshay oo safiirka imaaraadka kash kaga badashay dhul dhan 4*2 afar kiiloomitir lagu dhuftay laba kiiloomitir wuxuu ka qaatay lacag dhan $7000,000 miion oo loogu shubay accountigiisa dubai loona ansixiyey socdaalkiisii ugu danbeeyey ee dubai.

Gaas wuxuu bosaso gudeheeda keensaday makiinad samaysa lacagta faalsada ah oo uu daabacaad xoogleh ku sameeyo una hayaan ragey jifa hoosaad yihiin lacagtaasna waxay keentay dhaqaalihii dalku inuu burburo kala daato ganacsatadii iney kashkooda la guuraan ulana hayaamaan hargeysa iyo muqdisho halka puntland dadkeedii baahi iyo abaaro iyo sicir barar ay beerka dhulka ku hayaan.

Gaas sharcigii iyo nidaamkii dalka wuxuu hoos geeyey xamar sumcadii sharaftii karaamadii puntland dhulkuu ku jiidey wuxuu aqoonsaday galmudug wuxuu ku gorgortan tegey dhigii dadkii masaakiinta ahaa ee gaalkacyo galmugu ku xasuuqday wuxuu soo saxiixay 4.5.


Hadaba waxa la gudboon talo ahaanna usiin lahaa inuu Xilka iska casilo si sharaf leh waayo mudada u harsan ma ahan shaqsi sii dhamaysan kara madama mudada labada sano ku dhaw uu waxba soo kordhin waayey kaliya uu ku mashquulay xaflado iyo safaro aan wax qorshaa lahayn , run ahaanti waxa soomali ku maahmaahdaa beentu wa gaabisaa , taas oo micnaha aan ula jeedaa tahay gaas balan qaadkii uu mesha ku yimid inuu ku badalay (BBB) , Oo aan usoo gaabiyay , Balan Qaad, Been , Booqasho , gabagabadii dadka iyo shacabkaba waxan ugu baaqin inay dalka badbaadiyeen oo gaas iyo bahalada uu wato dalka ka qabtaa ee boobka iyo jeeb buuxsiga ku mashquulay , hadad manta dalka aan sida adag lagu soo dhisay iyo mamulka qurxoon , mar aan wax laga qaban Karin ayaa imaan doonta.



Bosaso24.com

E-mail: bosaso24@bosaso24.com

MADAWEYNAHA DOWLDA PUNTLAND OO DAAHFUREY FURASHADA XISBIYADA

25 Mar 2017

KOOXO LOOGA SHIKIYEY BURCAD BADEED OO DOONI KU AFDUUBTAY XEEBAHA KU AGDHOW DEGMADA ...

24 Mar 2017

SHIRKA WASIIRADA ARIMAHA DIBADA URUR GOBELDKA IGAD OO NAIROBI KA FURMAY

24 Mar 2017

MUDANAYAASHA BAARLAMAANKA SOOMALIYA EE KAMID NOQDAY XUKUUMADA CUSUB OO KULAN AAN CAADI AHAYN LA

24 Mar 2017

AFHAYEENKA DOWLADA PUNTLAND OO SHACA KA QAADEY IN HAWLGALO AMNI LAGA BILAABAYO CAASUMADA ...

24 Mar 2017

MADAXWEYNAHA DALKA KENYA IYO SOOMALIYA OO SHIR JAAARID WADA QABTAY ...

23 Mar 2017

KENYA IYO SOOMALIYA OO QODOBO MUHIIM AH NAIROBI KU KALA SAXIIXDAY

23 Mar 2017

QARAMADA MIDOOBAY OO KAHADASHEY IN AY WELI HELIN CODSIGII LACAGEED EE WAX LOOGA QABANLAHAA KALMA

23 Mar 2017

MADAXWEYNAHA DOWLADA PUNTLAND OO KA SOO DAGAY GAROWE

22 Mar 2017

Hawlgal laga sameeyey magalada galkio ee gobolka mudig laguna soo qabqabtay dad....

22 Mar 2017