List

Bayaan Ka Soo Baxay Beesha Wabeneye Ee East Africa Jawaabna u Ah Qoraal Ay Soo Direen Koox Qaswadayaala Oo Gaas Adeegsad.

08 Feb 2016 posted by [userily ]


Feb 8 -2016. Nairobi –Kenya

Ku :- Waxgaradka Beesha Wabeeneeye Meelkasta Oo Ay Joogaan.

Ujeedo :- Ka Jawaabid Qoraal Been Abuur Ah Oo Wata Eedayn Aan Sal Iyo Raad Toona Lahayn Oo Lagu Faafiyey Shabakadaha Warbaahinta Soomaalida Qaybo Ka Mida .

Qoraalkaas Waxaa Shabakadahaas Ku Faafiyey Koox Wabeeneeye Ah Oo Ku Sugan Deegaano Ka Mid Ah Puntland.

waxaan ku furayaa tix gabaya oo aanu u direyno walaalahayo aawe iyo intii ood wadaag nala ah kadib ayaan u gudbi doonaa jawaabta qoraalka kooxda qaswadayaasha ee been abuurka sameysey.

dadku islaanohoo waaqoodbey ehel ahaayeen

aawe iyo wabeneye waa laba aabe wada dhalay

abtirsiina way isu xigaan ehel majeertene

hadii aawe kala oodrogmoo kala irdhoobey

wabeneye waa urursanaa abid intuu joogey

ikhyaarnimo wuxuu oday lahaa soo ariminaayey

awaamiirta ragii matrin jiroo talada soo uumay

iyagoon wax bi,neen ragii idin soo uruurshey

ehelkiyo ragii eegi jiray ebid wixii yiiley

ixtiraamka nimankii lahaa iyo akhlaaq buuxda

nimankii islaamkiyo jeclaa aayadaha diinta

Irbad iyo ragiisii inbadan soo ariminaayey

amankaagnay goortii la yiri soo abtiris yeesha

oo ehelkoodii lagu diroo eedo loogu geystey

inkaarqabihi dhuxusha ragi jiroo aafo nagu reebay

inkaartiyo  ninkii qow ka raray agabkii noo yiiley

arxanlaawihii aan jecleen ehelka siirkiisa

axadkaan istaahilin ixsaan iyo amaan fiican

agablaawihii aan aqoon talo abaarkeeda

haduu aaniyo ulaha warmaha ii lulaayaaye

Aawaanu ergo u nahay waanu ka andocoonay Gaase

nagu urusay kuwa aafoo axadna daynayne

af bakhaarle wada miirnoo eedo wada gaystay

ina gaas wuxuu nagula kacay aabi faraweyne

idinkaa u ehelohoo tolow naga ood xigee

wixii uu abaalkayagu ahaa tolow nama aseebeeyne

urug iyo afxumo aan na qaban nagu amuureeye

ilhaaniyo isim reer lahaa ood karogodkiisiiye

anfariire aadmiga dadkii ooda nala yaalay

waa nimaan abtirsiinkaanu nahay aan aqoon abide

waa nin aan arxamkii tolnimo laba ilowsiiyey

waa nimaan aqoon masloxo meela loo maro eh

waa nimaan u rooneen dadkaan ooda wada yaala

waa nimaan inaba ayan danqeyn ehelka ceebtiisa

waa nimaan aqoon saldano soo jirtoo soo ariminaysay

sabankii dhamaadaba waxbaan soofka laga waayin

saxarbaa wareegaayo iyo siigo iyo qiiqe

saladbaa mar soo baxa samada noo tuura

safeyn buu u kala qaybshay reero sabad yiiley

sokeeyiyo xigto way gabeen saad la socotaane

seefbaa la wada siibayaa saafo iyo tooreyeye

suuqyadaa la wada jooga oon laysa saamaxayne

salaan iyo tolnimo laysu diid saaryo iyo xoolo

hadaanu sidaas nahay walaan talana noo soofin

ee sokeeyiyo xigaalow ninkaas nakala saara

hadii kale wixii soo ifbaxa saami ugu yeesha


Wiyil Geeska Lama soo qabtoo waa wax giir adage

Lama gaado Goodkiyo Maskiyo gaatiyaha Aare

Lama gaadho gaadhiga ordiyo Goroyo Cowleede

God Abeeso gacantaada Waa lagala giigaaye

Lama geysto goor iyo ayaan godob sokeeyaade

Lama gooyo geedaha midkay gogoshu kuu taale

Gujo beerka layskagama dhuftiyo gumuc rasaaseede

Ninkii gobonimada kaa badin dhawaan looma goodiya’e


Labaduba gu’gay soo baxeen waana goray ciile

God waxaan ku aabudhi midkii gaar u joogsada’


Mid aan gayo midaan gaadhi karo midaan gabbood moodo

Mid i gurata mid u guuris mudan mid aan gaboobaynin

Gallad midaad ku gaadhiyo middii guulo kugu beegta

Garaad saxa caqliga aan gaf wadin garasho kuu toosta

Dugsi gola leh geed lagu hirtiyo nabadda oo gaadhan

Gadh cad oday leh iyo guurti aan talada gawdhiidhin

Oo gees ka dhaaftoo cadliga kugu giriifaysa

Gobannimona sheegtoo xarago garab ka shaal saaratay

Gacal nimay u tahay baan waqii libin ku geeraarin

dhambaalkan waxaanu u diray walaalahayaga aanu uurjiifta wada nahay ee aawe iyo maxamuud saleebaan iney ninkaas na kala guraan.

waxaan hadana ka jawaabeynaa qoraalkii fidma walayaasha uu gaas beesha kala jebinteeda u adeegsado.

1-Waxay Yiraahdeen Beesha Wabeeneeye Ayaa Magaceeda Lagu Been Abuurtay Waxaana Ku Been Abuurtay Taageerayaashii Suldaankii Hore Ee Xilka Laga qaaday Suldaan Siciid Irbad.

Soomaalidu Waxay Ku Maahmaahdaa ( Waa baryey Sacabo Laguma Dado ).

Waxa Qaw (Bendersiyaada ) Ka Jiraa Nin Walbaa Waa Og Yahay.

Mida Kale Waxaan Umalaynaynaa Inaad Adinka kaliyu Isutaqaanaan Inaad Wabeeneeye Tihiin Oo Aysan Jirin Cid Kale Oo Ku Hadli Karta Magaca Iyo Dhalashada Wabeeneeye.

Hadii Aad Sidaas U Fakaraysaan Hadeed Ma Ahidin Rag Xisaabtamay.

 2- Waxaad Kale Oo Aad Tiraahdeen Suldaan Siciid Irbad Xilkii Waa Laga qaaday.

Anagu Maanaan Ogin Meel Xilka Looga qaaday Suldaan Siciid Irbad.

Waxaanan Leenahay Suldaanku Waa Suldaankii JirayWaana Suldaan Siciid Maxamed Maxamuud  Irbad .

 3- Waxaad Soo Qorteen In Ciise Maxamed Ciise Yahay Suldaan.

Sidaa Daraadeed Ma Waxaa Jira Been Abuur Ka Weyn Nin Aan Suldaan Ahayn In Loogu Yeero Wuxuusan Ahayn.

4- Waxay Sheegeen In Madaxweynaha Puntland Aanu U Gafnay Meelna Aan Uga Dhacnay.

Madaweynaha Uma Aanaan Gafin Meelna Ugamaanaan Dhicine.

Laakiin Waxaan Sheegnay madaxweynuhu inuu Ku Dhex Jiro Arimaha Keenay Khilaafka Beesha Wabeeneeye Kuwaas Oo Ah.

A-     Saldanada Beesha Wabeeneeye.       Iyo

B-      Arinta Dhulka Qaw (Bendersiyaada ).

Waxaa La Yiri Gabar Aamus Baa Lagu Meheriyaa Hadeed Saas Noqon Mayno.

 5-Waxaad Nagu Sheegteen Inaan Nahay Waxmagarato.Waxaa layaab Leh rag Sheeganaya Isimo,Cuqaal,Nabadoono,Aqoonyahano iyo Ganacsataba Inay U Gafaan Waxgaradka iyo Indheergaratada Beesha wabeeneeye (ALaylehe Adinkaa Wax Magarato Ah ).

 6-Waxaad Talo Ahaan Usoo Jeediseen In Sharciga La Horkeeno ragii Ka Hadlay Warbaahinta (Media). Lagana Qaado Talaabada Ku Haboon.

Taas Waxaan Ka Leenahay Amarka AAd Bixiseen Sidii Rag Gacantiina Ku Jira Oo Aad Masuul Ka Tihiin Waa Layaab Mana Awoodaan Ee Kaalaya Gacanta na qabta oo Idinku Na Horgeeya Sharciga Aad Sheegaysaan.

 7-Waxaan Anagu Idiin Sheegaynaa Inaad Kala Garanweydeen Waxa Beesha Wabeeneeye Leedahay Iyo Waxaad Gaar U Leedihiin Waxaan ILaah Idiinka Baryeynaa Inuu Idin Tuso Hantidiina gaarka Ah.

waxaanu raaligelin buuxda siiney gafka iyo afxumada ka soo gaartay gaas iyo kooxda uu ku shaqaysto suldaanka guud ee beesha wabeneye suldaan Siciid Mohamed Mohamud irbad xafidahulah waanu ka xunahay suldaan ma mudnin in laguu gafo meelkadhacna lagugu sameeyo.


Bosaso24.com

E-mail: bosaso24@bosaso24.com

Machadka Damu Jadid Ee HERITAGE Darasadiisa Bib U Curineysa Dagaalo Sokeeye Oo Ka Dhaca Gaalkacy

30 Dec 2016

[Video]Ciidamada Jubaland oo wali wada hawlgaladii la dagaalanka Alshabaab

28 Dec 2016

[Sawiro] Dekeda Boosaaso Oo Aad U Mashquulsan Maalmahan Iyadoo Ay Ka Soo Degayaan Qalab Iyo Raas

28 Dec 2016

[Video] Kismaayo Oo Boqolaal Dhalinyaro Ah Loo Qoray In Ay Ku Biiraan Ciidamada Poliska

27 Dec 2016

[Video] Cali Maxamed Geedi Oo Ku Soo Biiray Musharixiinta Xilka Madaxweyne Ee Soomaaliya 2016 -

18 Dec 2016

Shirkada Jubba Airways Ayaa Ka Bilowday Bosaso International Airport Duulimaad Isku Xira Bosaso

18 Dec 2016

Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid Oo U Dhoofay Imaraadka Carabta.

14 Dec 2016

[Video] Xildhibaanada Labada Aqal Ee Puntland Oo Sagootin Heer Sare Ah Garoowe Loogu Sameeyay

13 Dec 2016

[Video] Madaxweynaha Dawlada Puntland Oo Waraysi Xiiso Leh Siiyay Tv STN

13 Dec 2016

[Sawiro] Ciidamada Amaanka Oo Hawlgal Ay Sameeyeen Ku Soo Qabtay Maandooriye Iyo Ragii Watay

13 Dec 2016