List

Madaxwayne Gaas oo Dhabadii GORBACHEV Cagta saaray ( Maqaal )

11 Feb 2016 posted by [userily ]

Aduunka taariikhaa qorma,dalka ruushka waxaa ka dhacay bur bur xoogle iyo dagaalo aad u naafeeyay,kadib markii uu talada dalkaas gacanta ku dhigay nin jileec madaxwayne mikhail gorbachev 1990. Talada dalkaas waxa uu hayay sanad uun madaama 1991 burburku dhacay xilkana uu kadagay.waa 1990-1991 dii. dalka ruushka waxa la oran jiray ussr oo waxa uu ahaa dal baaxad wayn awoodna leh diciifka ka hor. ninkan waxaa soo adeegsaday wada mada galbeedka ee maraykan hormuudka u yahay markuu ruush kala dirayna bilad sharaf bay siiyeen.waxa uu noqday dalkii xooga lahaa ee la tartami jiray qiwadaha reer galbeed mid ku soo hara uun jamhuuriyadii raashiya,intii kale waa lakala gooyay oo laga dhigay mid walba dawlad madax banaan.

Tani waxay i xasuusinaysaa,sidaa si lamid ah in puntland dr abdiwali gaas loo soo diray oo ay adeegsanayaan danlay shisheeye iyo sokeeyaba leh,wuuna kala diray puntland.kohor dr gaas puntland waxay ahayd dawlad gobleed xoog leh,dhaqaalo leh isku duuban anoon inkirsanayn in dhaliili jirtay hadana waxbaa noo cayn sanaa.GORBACHEV kan puntland wuxuu heshiis ku galay in gobolka mudug la raaciyo Galmudug state caasimadana laga dhigo Gaalkacayo in lasiiyo beelaha waqooyiga galkacayo dagan 6 xubnood oo loogu qoon deeyay sidan hoos ku qoran.

3 xubnood cumar maxamuud

1 cubin leelkase

1 cali ibraahim(reer biciid yahan)

1 maxamuud ibraahim(reer maxamuud)

waxaan qayba helin beelo farabadan oo dagan galkacayo iyo waqooyiga mudug.waxaa loo dhiibay kharashkii madax tooyada maamulka GALMUDUG STATE uu ku shaqayn lahaa waana socotaa dhimahaasi.arintan waxaa usoo dhiibay GORBACHEV KA puntland dawlada fadaraalka ee mogdisho fadhida iyo beesha caalamka madaxwaynaha galmudug cabdikariina waa fadhiyay heshiiskaas. waxa uu shacabka puntland gaar ahaan mudug u jilay riwaayad ah si aan dadku isu waydiin,gobol iyo bar tastuurka fadaraalkuba maqabee sidee dawlada fadaraalka ahi u orankartaa gobol iyo bar baa ah dawlad goboleed? malaha waxaa jira waxaynaan ogayn ee aan waydiino dr gaas madaxwaynaha puntland arintaa sababta uu u ogolaaday? waxan uu dadka u sheegayo ee maaweelada ah iyo kiis iska waalka waa qorshe loo dajinayo sidaa yeel  la leeyahay weeye.dad reer galkacayo ah ayaan wali fahmin in ay galmudug yihiin oo madaxwaynaha galmudug cabdikariin u yahay madaxwayne dadbaan wali fahansanayn oo la dhumiyay waysi arki hada.

Doorashooyinka dalka ee 2016 dawladu waxay kulmisay dawlad goboleedyada fadaraalka ah madaxdooda oo uu kujiro GORBACHEV KA puntland.dawladu waxay u sheegtay sidii ay adicaadaha iyo taleefishinada aan ka daawanayba in ay noqdaan madaxwayne walbaa dadkiisii la soo tashado soo waydiiyo waxay rabaan iyo siday wax u arkaan,kadib laysu soonoqdo dabadeedna go aan lagaaro kama danbays ah oo madaxdu wada gaaraan.nin walibi goboladiisii buu tagay dadkii waa lawargaliyay go aan bayna soo dhiibteen waxay latahay iyo sida ay rabaan oo go aan ah xagooda. shirkii ayaa laysugu yimid ugu danbayn mogdisho si ninwaliba u dhiibto go aankiisa.kadibna dawladii baa hadashay oo dhiibtay go aan keeda oo ah in 4.5 la qaadanayo doorashada soo socota sidaa lagu salayn doono.beeshii caalamkuna wa ku raaceen,

 

kadibna madaxdii goboladu waa sixiixeen oo ku raacan ayana si buuxda. isla goobtii ayaa dawladu ku dhawaaqday in sidaa lagu heshiiyay lana go aamiyay.madaxwayne goboleed diiday oo yiri anigu mana sixiixayo kumana jiri go aan kaan mana doonayo anigoo ah madaxwayne gobol arintaan ah 4.5 waana ka baxay shirkiina maadaama aana idinku waafaqsanayn arintaa aad go aan sateen nin yiri lama hayo. beesha caalamka iyo dawlada fadaraalka way ogyihiin wax yaabaha ay qabaan dadwaynihii gobolada kala duwan ee lasoo waraystay,waxa lagaarayay baa ahaa aragnay fikirkii dadwaynaha soomaaliyeed,ee waxan u fadhinaa go aanka madaxdiinaan halkan fadhida nin walibana waa sheegay go aankiisa waana laysku wada waafaqay dhamaan. waxaana uugu horeeyay dr gaas cida waa faqday waxaa ku xigay axmed madoobe shariif ayaa u danbeeyay.

Go aankaa waa lagaaray shirkaasina waa dhamaaday majirto madax goboleed danbe oo arinkaa isaga imanaya waayo nin madax ah oo diiday majiro.laakiin dr gaas ayaa dhib haystaa ah dadkii maxaan u sheegi,waxaa layiri anagaa u iman dadka oo ku badbaadin adiga markaa tiibaa socota.shacabka puntland go aan kuma harin oo horay u dhiibteen siday wax u arkaan,kaalinkii madax waynaha ayaa la joogaa oo ahayd aftidii dadwaynaha iyo go aankoodiiba isiiye in uu shirkii mogdisho diido 4.5 oo shacabkiisa la fikir noqdo iyo inuu yeelo maxaa jira waa madax Wayne umad dhan matalaya suura gal maha in uu ugu sheekeeyo go aan ma gaarin. hada idinku way idiin soosocdaane go aan gaara!!? oo hada ma go aan gaaris baa jirta? hada waa fulin ee go aankii mogdisho sowkii lagu gaaray aduunkoo dhana iyo soomaaliba loo sheegay adna aad dhex fadhiday oo aad wax ka go aamisay sida madaxduba cadeeyeen.

hadaba dawlada fadaraalka ahi iyo beesha caalamkuba way ku guuleeysteen diridii loo soodiray kala dirida puntland iyo ka takhaluskeeda siyaaso ahaan dr abdiwali.wadana waxaa laga adkaadaa marka lahelo madaxdiisa u saraysa sidan puntland.GORBACHEV Kii ruushka waxa uu kudanbeeyay kadib markuu dalkiisii kala diray oo burburiyay,in reer galbeedku   u dhiibeen in uu xayaysiiyo PIZZA muqaayadaha laga cuno galbeedka hada waa ninkii madaxwaynaha u ahaa mid kamid ah labada dal ee caalamka ugu xooga badanaa,hub iyo dhaqaalaba.

Wadaniga iyo shacabka puntlnad ee xalaasha ah ee jecel dalkooda iyo dadkooda soomaaliyeed ee jecel dawladnimada iyo hormarka dalka ee jecel karaamada iyo wada jirka puntland waxaan xasuusinyaa in aad loo fahmo shaqsi madax ah oo aad hogaan u dhiibateen kuna aaminteen kashaqaynta mustaqbalka dalkiina,hadaad aragteen in uu wax u dhimayo masiirkiina iyo aayihiina iska tuura oo magacda hogaan si dagdag ah amrkiiba.

Bosaso24.com

E-mail: bosaso24@bosaso24.com

Machadka Damu Jadid Ee HERITAGE Darasadiisa Bib U Curineysa Dagaalo Sokeeye Oo Ka Dhaca Gaalkacy

30 Dec 2016

[Video]Ciidamada Jubaland oo wali wada hawlgaladii la dagaalanka Alshabaab

28 Dec 2016

[Sawiro] Dekeda Boosaaso Oo Aad U Mashquulsan Maalmahan Iyadoo Ay Ka Soo Degayaan Qalab Iyo Raas

28 Dec 2016

[Video] Kismaayo Oo Boqolaal Dhalinyaro Ah Loo Qoray In Ay Ku Biiraan Ciidamada Poliska

27 Dec 2016

[Video] Cali Maxamed Geedi Oo Ku Soo Biiray Musharixiinta Xilka Madaxweyne Ee Soomaaliya 2016 -

18 Dec 2016

Shirkada Jubba Airways Ayaa Ka Bilowday Bosaso International Airport Duulimaad Isku Xira Bosaso

18 Dec 2016

Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid Oo U Dhoofay Imaraadka Carabta.

14 Dec 2016

[Video] Xildhibaanada Labada Aqal Ee Puntland Oo Sagootin Heer Sare Ah Garoowe Loogu Sameeyay

13 Dec 2016

[Video] Madaxweynaha Dawlada Puntland Oo Waraysi Xiiso Leh Siiyay Tv STN

13 Dec 2016

[Sawiro] Ciidamada Amaanka Oo Hawlgal Ay Sameeyeen Ku Soo Qabtay Maandooriye Iyo Ragii Watay

13 Dec 2016