List

GUMAYSIGU NIMUU DILAY HADII IDINKU GAYLAMO ADINA AAD U GUUXDAAN GULAYSTAYAAL PUNTLAND SIDAY NOQON?

19 Feb 2016 posted by [userily ]

Madoonayo in aan ku dheeraado maqaalkan,waayo waxaan kaliya idin xasuusinayaa waxaan hore idiinku sheegay oo aan in badan ku xusay maqaaladaydii hore kuna saabsan arimaha soomaaliya iyo mawqifka puntland ee ku aadan isbadalka 2016 lago aamiyay. hadaba waxaad ogaataan in soomaaliya arimaheedii kabadalan yihiin sidii hore.waxaa dawlada fadaraalka ee soomaaliyeed ee uu hogaamiyo madaxwayne xasan sheikh ay isu kentay dhamaan goboladii soomaaliyeed ee lahaa maamul dawladeed fadaraalka kamid ah.waxaa loo sheegay madaxda soomaaliyeed oo dhan oo intaa kala matalaya qorshe dhamays tiran oo ay uugu soo horayso doorashada sanadkan 2016 iyo tan xigta oo ah 2020 ka hadii illaahay idmo.madaxdan oo ah fuliyayaal la amray,ayaa qaybo kamid ah sida dr gaas waxay dhigayaan riwaayad ay shacbakooda ku jahawareerinayaan oo ay isaga dhigayaan wax aan soo qaadan mashruucaa loo soo yeeriyay.

Ingiriiska oo wata qorshahan ayaa hadafkiisu yahay in uu shidaalka dalka soo saaro,maadaama soomaaliya ay kamid tahay 7 dal ee caalamka uugu horeeya khayraadka saliida ama dheemanka madoow.wax shaki iyo muran iyo doodi kataagan tahay maha waliba waxaa la qariyay in soomaaliya ay tahay koow laakiin waxaa la qiray inay kamid tahay uun 7 dal ee uugu hodan san shidaalka.waxaa xaqa dhismaha qaatay turkiga oo ingiriis siiyay,yurubta kalana waxa uu siiyay qandaraasyo naas nuujin ah oo intaa ka waa wayn lasiiyay turkiga.waxaan oo isku duubana waxay hoos imanayaan maraykanka oo dusha kawada ingiriis iyo yurub oo dhan arintan dhaqaale ee soomaaliya. wadamada afrikaanka ah sida kenya,ugandha,itoobiya iyaga waxaa lagu xaaqayaa jidka oo xabadaa loo dhigayaa xoogaana waa loo tuuraa shaqaalaysiin ah oo kaliya,waa nooc calooshii u shaqayste ah,waana ka xumahay.

Eithiopia waa is muujin ay tusayso reer galbeedka siday daacad uugu tahay oo ay shaqada u qabanayso.hadana dr gaas ayay ka caawinaysaa sidii shacabka puntland looga fujin lahaa oo riwaayada loo sii qurxin lahaa inta laga gaarayo shirka turkiga iyo dhismaha baarlaan cusub,

kuwaas oo si hoose intooda badan u dhamaystiran.madaxda hada jirta soomaaliya waa niman gumaystaha u shaqeeya,hadana iyagu is khaa imaya dadkana lugooynaya oo diintii iyo dalkiiba gadanaya waana wada aragnaa.dad badan baa igu qabsaday dr gaas waxba ma sixiixin mana raacsana nidaamkaan 4.5 ee soomaaliya lagu dhaqayo hanaan keeda dawliga ah ee la go aamiyay!! waxaan layaabay shacabka iyo siyaasiyiinta puntland indho adaygooda ah inayba ilaa hada igu inkirsan yihiin in dr gaas qayb kayahay oo uu ogolaaday arinta ah 4.5 go aanka lagu gaaray.waxay ku khaldayaan shacabkii puntland ayaa diiday oo talada aan iyagana u sheegno. talada shacabka loo sheegayana Ingiriis isagaa yiri anaa utagi jubaland,puntland,galmudug,koonfur galbeed oo intaba ka dhaadhicin idinku shuqul kumalihidin maadaama aad sixiixdeen oo aynu halmeel uwada socono.dadbaa kugu soo boodi amrkaad sidan tiraahdo!!

Dr Gaas 3 xubnood baa lasiiyay oo layiri reer kiina ugee waa dheeri!! waa lagu bahdalayaa meesha uu is dhigay ileen cidina ma qasbinee.qofka damiirka lihi hadii arko in uu san waxan waxba ka qaban karin,waa is casilaa.laakiin halkan waxa la wareerinaya waa beelo kamid ah puntland oo kaliya xataa mawada aha beelaha puntland waxa wareer san qaarbaa sifiican u og in dr gaas heshiiska qayb ka yahay buuxda sida aniguba aan u ogahay dhabta jirta.

waxaad ogaataan in aan ogahay wax badan waliba wax walba ma sheego.waxaanse idiin sheegayaa shacabka puntland gaar ahaan in aad ogaataan majirto wax fadaraal ah somaaliya sida qorshuhu yahay la jaan gooyay,dawlad dhexe oo xoogleh ayaa jiraysa iyo gobolo.maadaama hada ay jiraan soomaaliya gaar ahaan puntland rag jilicsan,mogdisho rag jilicsan,baydhabo rag jilicsan,hargaysa rag jilicsan waa lays maray oo lays dardaray xasan ayaa maqaar saar ahaan soomaali oo dhan lagu san dulaynayaa in ay hoostagaan waana mashruuc dhamaaday.saas ayayna ku socnaysaa,waxaana soo dadajiyay madaxdan jilicsan oo isku soo aaday.

Puntland waxay ku quruxbadnayd in hogaan keeda sare uu ahaado mid dimuqraadi ah oo beelaha oo dhami iska dhex arkaan mudadaas dheer,waxaase kadabkeedii go ay markii hal jifo uun harareeysay oo albaabkii xiratay oo difaac adag gashay in aan loogu imaanba!! waa diktaytarnimo iyo xukun boob kalitalisnimo maroorsi ah oo xagjirnimo ba an ah.

imisaa dr iyo rag wada phd holders oo aan jifadan ahayn jooga puntland? imisaa rag leh karti aqoon iyo aqli jooga puntland oo la caburiyay maskaxdiisii laga faa iidaysan lahaa? sidaan hada arko ee laga takhalusay puntland loogama takhaluseen hadii talada dalka loowada sinaan lahaa walaalayaal.dadkii puntland oo wada cabursan oo albaabkii siyaasada iyo taladii laga xirtay hadii hada nin u yeero oo yiraa war meesha isaga soo kaca soomaali baan idin la ahay ee maxaad igu diidaysaan waa lawada raaci nin harayana ma jiro dhabtu waa sidaa rag waxan fahan san baana u yeertay shacabka.waxaana hada loo arkay in soomaali ku fiicantahay qoshaha hada socda.

Gunaanadkii

Waxaan jeclaa puntland oo yeelata talo midaysan,xukun ku dhisan doorasho loo siman yahay kana badalan mid u go an uun hal jifo, waan jeclaa dadkoo loo sameeyo nidaam xisbiyo oo lagu doorto qofka nooca hogaamiye uu yahay,maha qaraabo kiil,jifo iyo anuu ixigaa ee waa mayahay nin xilkan gudan karaa oo aamin ah.waan jeclaa dagaanka puntland oo maamulku wada gaaro loo sameeyo sinaan buuxda si dadku u  jeclaadaan maamulkooda iyo dalkooda.wada jir wax lagu waayay lagu heli maayo cad nin kaligii la cararay.waan jeclaa madaxda ijifada 17 sanadood haysatay in ay iska daayaan hagardaamada ay ku hayaan putland,isxeeladaynta,iskhiyaamaynta dhexdooda ah iyo shacabka ay ku hayaan.inay iska daayaan u kala dhuumashada mogdisho iyo is xeeladaynta dhexdooda ah.

waan jeclaa inay fahmaan in leeyihiin dhulka maanta ingiriis u qabsaday soomaaliya oo ah barta loo socdo oo gabi ahaanba ku dul jiifta shidaal waa puntland.waan jeclaa inay fahmaan in lamaamulanayo khayraadkooda iyadoo loo soomarayo dawlad soomaaliyeed oo mogdisho fadhida iyagana aan cidina waxba ka waydiinayn arimaha kasocda soomaaliya.waxan oo dhan waan arkayay iyo hada wax soosocdaba nasiib daro talkay dhago malaha iriday iga xirteen si aan u bad baadiyo puntland waxayna ii arkaan in aanan jifada ahayn.

waxaan cadaynayaa ama ka naxa ama ku farxa walaalayaal mogdisho ayaa taladu taal sheekada fadaraal iyo puntland waa dhamaatay aan aragno qarni kale siday wax kale isu badalan laakiin hada waa layna maray maadaama haljifo maskax ah aysan waxba difaaci karin.waxaan hayaa cadayn ah in ay hada madaxda puntland oo dhan oo dr gaas u horeeyo dhiban yihiin arinta socotana ay aqbalsan yihiin iyada oo ninwaliba helay sandareero iyo jago loo balan qaaday mana xumo haday sidan danmoodeen laakiin shacabka puntland inay niyada ka jabiyaan ma ahayn waxaa haboon inay u sheegaan runta jirta kolayna maalin dhaw indhihiina ayaad ku arkaysaan waxaan idiin sheegay puntland way kala dhimatay amaain beeshay waana arin aan loo baahnayn oo kuligeen inoo fiicnayn.

Waxaan rabaa walaalayaal in aad ifahantaan dan kamalihi shaqsiyan in jifo iska dhaafe oday iyo ilmihiis xukunka isku badashaan oo kala dhax laan sanad walba,iguma jirto qofkaasi muxuu waxaa u haystaa oo xasad igama aha,jifo iyo reer nacayb iguma jiro,ee waxaan ogahay aadamuhu wuu hormaray aqligii baa kordhay,dadkii waxbay arkayaan,sidaa daraadeed lagumahayn karo dadka dikteeytarnimo iyo kalistalisnimo maalin unbaa furka la tuuri adigana dhib iyo cawaaqib xumo ku soo gaari.

macnuhu waxaa weeye dadkaba uugu fiicnaw wax soo taagan cidna ma rabto.waxaa bulshada iyo dadka lagu hayn karaa waa isbadal iyo wadaag.war niman yahoow cadaaladu waa wax macaan oo dadka qancisa cadaalad daraduna waa wax kharaar oo aadamuhu ku qancin.hadaba ila fahma in aan idinka idiin hiilinayo iyo guud ahaan shacabkeenaba puntland ahaan.hadaad waligiin aragtaan u fiirsada intay doonto ha gaarto qolo yaroo ama koox yaroo kursiga dalka  xiratay iyo maamulka meel ma gaarto, si xuna way u burburaan aakhirka.bini aadmigu maanta wuu ka baxay in wixii dadka ka dhaxeeyay laga xigsado,xoogna laguma haynkaro.sidaas ayaan u jeclaa in puntland aysan tolkay oo kaliya u xiraan madaxwayne nimadu iyo taladu.puntland kaliya maha qolo kasta oo aduunka meel sidaa u xirataa jifo hoosaadka ahi meel ma gaarto waana fikir laga soo gudbay oo aan

shaqaynaynin.waxaan hada leeyahay puntland mid baa la gudboon in ay shirwayne isugu timaad ugu yaraan 3000 oo qof la ducaysto oo puntland ducaysato waa walaalo wada dhashay ee oo latashado aayaha laga tashado,lays cafiyo waa laysku danbaabay ee lays calool xaarto nin walbaa hadlo wii laysu qabo oo dhab ah runta laysu sheego shaqsi iyo jifo iyo reero walbaa loo sheego waxa laga tirsan oo khalad ah,lays gacan qaado khaladaadkii siyaaso laysaga garaabo,

markii lays cafiyo laysuna garaabo markaa talo la gorfeeyo kadibna tob toosan la jeexdo oo layiraa wadadaa aan raacno rabina talo saarano.hadii sidaa layeelo waxay noqon taariikh waxay noqon puntland oo guulaysata aniga sidaa ayay ilatahay.arinta soomaaliyana waan idiin sheegay mogdisho ayay taalaa dalka waa lootaliyaa miyaad hurudaan.waxbadan oo aan ogahay sidan kor ku xusayba sooma bandhigayo laakiin waxaan quustay markaan arkay mudo dheer madaxda puntland usaraysa marwalba oo mogdisho puntland ku xaraashaysa qiimo waliba jaban,markaan arkay puntland oo suuqyada aduunka xaraashka ah markaas ayaan ogaaday in shacabka puntland la xeeladeeyay,la dhacay la is jilaafeeyay,markaa murtida ayaa ah GUMAYSIGU NIMUU DILAY HADUU IDINKU GAYLAMAY IDINA AAD U GUUXDEEN GULAYTAYAALOOW PUNTLAND SIDAY NOQON? waxay noqon siday hada tahay weeye jawaabtu.

Bosaso24.com

E-mail: bosaso24@bosaso24.com

PUNTLAND OO XUKUN DIL AH KU FULISAY DHALINYARO KA TIRSANAYD URURKA SHABAB...

08 Apr 2017

PUNTLAND OO XUKUN DIL AH KU FULISAY DHALINYARO KA TIRSANAYD URURKA SHABAB...

08 Apr 2017

SHIRWEYNAHA DOWLADA PUNTLAND OO LA DAAHFUREY..

08 Apr 2017

MADAXWEYNIHII HORE EE SOOMALIYA HASSAN SHIEKH OO DIGNIIN U JEEDIYEY DOWLADA MARAYKANKA ...

08 Apr 2017

DOORASHADA MAAMULKA GALMUDUG OO DIB LOO DHIGAY

08 Apr 2017

WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALIYA IYO WAFDII UU HOGAAMINAYO OO GAAREY CADAADO ...

07 Apr 2017

DOWLADA MARAYKANKA OO WEERAR KA GAYSTAY DALAKA SYRIA

07 Apr 2017

DUPLAMAASIYIIN IYO SHAQAALE DOWLADA KA TIRSAN OO KI XIRA JOMO KENYATA AIRPORT....

07 Apr 2017

[Video] Daawo Heshiiskii Taariikhiga Ahaa Ee Ay Kala Saxiixdeen DP-World Iyo Puntland

07 Apr 2017

AKHRISO QODOBADII KA SOO BAXAY SHIIRKII GOLAHA WASIIRADA PUNTLAND

06 Apr 2017