List

AAD NA HOHOGAAMISIDE HAMI MAKUU HEEYNAA(FAALO)

23 Feb 2016 posted by [userily ]

Bulsho walba oo ku nool dunida daafaheeda waxay helaan Saacad walba Warar Barnaamijyo xiiso geliya waxana kaalintaas qaata Saxafiyiin u dhabar adeegay u shaqeynta shacab kooda iyo u adeegida kuwa aan codkooda la maqlin sidaas iyadoo ay jirto ayaa hadana waxaa hana qaaday Wariyaal u badan kuwo Da’yar oo soo bandhiga waxa ka jira dalkooda sida, arimaha Bulshada,dhaqanka,Ganacsiga Waxbarashada iyo sidoo kale baahinta Xadgudubyada ka dhanka ah Haweenka.

Somaaliya ayaa mudo ka badan 23 Sano ah waxay ku jirtaa dagaalo Sokeeyo balse aan ka marneyn gacan shisheeye waxaana ka soo baxay dhowr Idaacadood oo si gaar ah loo leeyahay marka laga reebo Raadiyaha iyo Tv-ga Qaranka Somaaliya kuwaas oo bulshada u tebiya wixii ay la kulmaan in kastoo qaarkood loo dilay cidii doonta haka dambeysee.

Burburka intuu jiray Saxaafada Somaaliya ayaa waxay horumar buuxda ka sameysay dhinaca kordhinta Warbaahino madax banaan oo si huufan u gudbisa wixii bulshada ay ka sugeysay kuwaas oo gaaraya markii aan ka soo qaato Caasimada dalka Somaaliya ee magalada Muqdisho in ka badan 30 Idaacadood oo midba ku shaqeysa shuruuc ay sameesteen marka laga reebo kan u degsan Saxaafada ku hadasha Afka Somaaliga iyadoo ku tiirsan Hay’ado ama isku meel mariya waxyaabo ay ka helaan ka ganacsiga dhinaca Xayeeysiinta.

Saxaaafada oo lagu tilmaamo in ay tahay awooda Sadaxad ee dal walba ayaa wixii ka dameeyay Sanadii 2007 da waxaa soo wajahay Cabsi markii ay bilabatay beegsiga Suxufiyiinta lana waayay dad magac ku lahaa Wariyaasha dhexdooda aan ka soo qaato Wariyaashaas,Mahad Axmed Cilmi Horn Afriik iyo Capital Voce ama Codka Caasimada oo noqday Wariyihii ugu horeeyay ee si bareer ah loo dilay waxana jiray in gadaashiis ay dhinteen Wariyaal Badan taas oo ugu dambeyn keentay in Wariyaal badan ay noqdaan kuwo dalka isaga cararay Qaarkoodna ay ku dhawaaqeen in ay joojiyeen Shaqadii Wariyenimo ay hayeen markii ay badatay caga jugleynta mar walbo lagu haayo sidaas si la mid ah dalalka ay dagaalada ka jiraan ee Ciraaq Siiriya iyo wadamo kale oo ka tirsan kuwa Carabta ayaa noqday sida Somaaliya oo kale ah.

Somaalida ayaa horay ugu maah maahday dheriga karkarka waxaa ka keenay kuleylka Wariyaal badan oo kusgnaa gudaha magalada Muqdisho iyo kuwa kale oo ka yimid gobolada dalka ayaa doortay Masuulkii hogaamin lahaa si ay u helaan xaquuqda waxana Xogehyaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka loo doortay Maxamed Ibraahim Bakistaan oo ka mid ahaa Saxafiyiintii ay ka Go’need in marnaba dalkooda aysan ka bixin.

Warkii hore war soo dhaaf waxaa bilaabatay dad mudo ku noolaa dadlka dibadiisa aanan la socon xaalada ay ku nool yihiin Wariyaasha Somaaliyeed in ay kala fogeeyaan Wariyaal mudo dhibaato wada qeybsaday iyagoo u soo maray dad uun fiirinaya in ay helaan lacago yar iyagoo sheegaya in ay yihiin dadka hogaamin doono Saxafada Somaaliya balse waxay gaartay timirtii horeba dab loo waa waxana soo baxay Wariyaal haya xogta rasmiga ah ee Saxaafada una istaagay ka ilaalinta kooxda yar ee isku dayaya ku tagri falka awooda Saxaafada Somaaliya.

Dowladda oo ah ugub dhexaadka ayaa War ay soo saartay ku sheegtay in loo baahan yahay in Wariyaasha Somaliyeed ay helaan Madax Cadaalad ah Wariyaashana ay u diyaar garoobaan doorasho ay iyaga ay gar wadeen ka yihiin.

isku soo duubee Sanad Sanadka ka dambeysa ayaa waxay Saxaafada Somaliya gaareysaa Guulo la taaban karo,Mudanayaasha Baarlamaanka Somaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si wadajir ah uwada saxiixay Xeerka Saxaafada Somaaliya ay ku shaqeyn doonto waan qeyb ka mid ah horumarka Wariyaasha Somaaliyeed oo la sugayo in ay helaan Hogaamiye daacad u ah dalka iyo iyaga intabada
Su.aasha taagan ayaa ah.(AAD NA HOHOGAAMISIDE HAMI MAKUU HEEYNAA).

Bosaso24.com

E-mail: bosaso24@bosaso24.com

MADAWEYNAHA DOWLDA PUNTLAND OO DAAHFUREY FURASHADA XISBIYADA

25 Mar 2017

KOOXO LOOGA SHIKIYEY BURCAD BADEED OO DOONI KU AFDUUBTAY XEEBAHA KU AGDHOW DEGMADA ...

24 Mar 2017

SHIRKA WASIIRADA ARIMAHA DIBADA URUR GOBELDKA IGAD OO NAIROBI KA FURMAY

24 Mar 2017

MUDANAYAASHA BAARLAMAANKA SOOMALIYA EE KAMID NOQDAY XUKUUMADA CUSUB OO KULAN AAN CAADI AHAYN LA

24 Mar 2017

AFHAYEENKA DOWLADA PUNTLAND OO SHACA KA QAADEY IN HAWLGALO AMNI LAGA BILAABAYO CAASUMADA ...

24 Mar 2017

MADAXWEYNAHA DALKA KENYA IYO SOOMALIYA OO SHIR JAAARID WADA QABTAY ...

23 Mar 2017

KENYA IYO SOOMALIYA OO QODOBO MUHIIM AH NAIROBI KU KALA SAXIIXDAY

23 Mar 2017

QARAMADA MIDOOBAY OO KAHADASHEY IN AY WELI HELIN CODSIGII LACAGEED EE WAX LOOGA QABANLAHAA KALMA

23 Mar 2017

MADAXWEYNAHA DOWLADA PUNTLAND OO KA SOO DAGAY GAROWE

22 Mar 2017

Hawlgal laga sameeyey magalada galkio ee gobolka mudig laguna soo qabqabtay dad....

22 Mar 2017