List

Waa Maxay cudurka sonkorowga ?

24 Feb 2016 posted by [userily ]

Haddii aad qabto sonkorow sannado badan iyo haddii lagu yiri sonkorow baad hadda qabtaa, keligaa ma tihid. Inta u dhaxaysa 170 – 180 malyan oo qof ayaa qaba sonkorow dunida. Xogta hoose ayaa kaa caawimi doonta garashada sonkorowga iyo sida loogu noolaado horumar adigoo qaba.

Qoraalkan waxaan uga jawaabi doonnaa su’aalahaan hoos ku qoran:

  • WaaMaxaySonkorow?
    •SideeBaanuDareemDoonaaSonkorowga?
    •SideeBuu Dhakhtarku Ku Ogaanahayaa Inaan Sonkorow Qabo?
    • Sidee Baa Loo Daweeya Sonkorowga?
    • Maxaa Keena Sonkorowga?
    • Ma Waxaa Jira Hal Nooc Kabadan oo Sonkorowga ah?
    • Caruurtaydu Ma Ku Dhici Doonaa Sonkorowgu?
    • Ma Jirta Daawo Sonkorowga?
    • Maxaan Kalo u Baahanahay iInaan Barto Xukunka Sonkorta?
  • Waa Maxay Sonkorow?

    Sonkorowgu waa cudur uusan jirku si haboon uu isticmaali karin cuntada quwad 

    Jirku wuxuu u jejebiyaa cuntada aad cunto inta badan nooc quwad ah oo loo yaqaan sonko

    Sonkorowga, waxaa jira hal dhibaato ama ka badan oo insuliinka ah. Kuwaas waxaa ka mid ah:r (glucose). Glukoos waa eray kale oo la yaqaan sonkorta. Insuliin waa hormoon ku caawiya sonkorta inuu ka wado dhiigga oo geeyo unugyada jirka.

  • Insuliinka jirka waxaa sameeya beeryarta (Pancreas). Qof ma noolaan karo Insuliin la’aan.

  • ahaan. Unugyada tirada badan ee jirka ku jira waxay u baahan yihiin shidaal ay ku noolaadaan oo ku koraan.

  • Beeryarta oon insuliin samayn (Nooca 1 sonkorowga)
    • Beeryarta oon samayn insuliin ku filan, ama jirka oon isticmaali karin insuliinkii uu sameeyey (Nooca 2
    sonkorowga).

Sidee Baan u Dareemi Doonaa Sonkorowga?

Qof walba si gooni ah ayuu uga jawaabaa sonkorowga. Qaar ka mid ah calaamadaha digniinta ee sonkorowgu waa:

Biskood soo daaha (tartiib)
• Awood darro (awood la’aan ama kacsi la’aan)
• Fursad culays (kordhid ama lumid)
• Aragti caad leh
• Kaadi tiro badan
• Oon
Noog xad dhaaf ah / daalid
• Hurgun jirka ah iyo cuncun


Dadka qaarkood ma oga inay sonkorow qabaan waayo ma qabaan calaamadaha 

digniinta. Sonkorowgu dhakhso ayuu soo baxaa, asagoon digniin lahayn. Mararka kale si aayar ah ayuu 

u soo baxaa, dhawr bilood.

Sidee Buu Dhakhtarku Ku Ogaanahayaa Inaan Sonkorow Qabo?

Waxaa jira dhawr dariiq oo dhakhtarku u baari karo hadaad sonkor qabto. Waxaa ka mid ah:

Baaridda Dhiigga

Baaridda dhiigga ee ugu caansan oo la sameeyo si loo helo haddii aad qabto sonkorow 

waa heerka sonkortaada. Haddii aad soomantahay heerka sonkortu waa 126 ama ka badan, 

inta badan sonkor baa la tuhmaa. Dadka aan qabin sonkorowga waxay leeyihiin in 

sonkorta markaad waxba cunin ay ka yartahay 110. Baaritaan dhiigag kale ayaa la samayn. 

Inta badan waxay u baahan yihiin inaadan cunin ama cabin waxba habeenkii. Maalinta 

xigta waxaad u aadi doontaa xaafiiska ama shaybaarka baaritaan dhiigag socda 2 ama 

3 saacadood.

Baaritaan Guud

Dhakhtarku mararka qaarkood wuxuu kaa heli karaa calaamadaha sonkorowga korkaaga asago samaynaya baaritaan.

Calaamadaha iyo Sumadaha Sonkorowga:

Asago kula hadlaya, dhakhtarku wuxuu heli kara inaad qabto dhawr calaamadood oo sonkorow ah sida kabuubyada ama gubasha cagaha iyo lugaha iyo kacsi la’aanta.
Isticmaalka baaritaanka dhiigga, baaritaan jireed iyo weydiinta calaamadaha digniinta iyo sumadaha, dhakhtarku wuu ogaan doonaa haddii aad qabto sonkorow.

Sidee Baa Loo Daweeya Sonkorowga?

Natiijada daaweynta noocyada sonkorowga oo dhan waa inaad heerka sonkorta ku haysa 

sida ugu dhaw caadiga (heerka qiyaasta 80-120). Si loo sameeyo tan waa cuntada laysu 

dhelli tiro, daawada (insuliin ama tan afka / kiniin) iyo jimicsi ayaa loo baahan yahay.

Aad bay muhiim u tahay in aad loo barto sonkorowga inta aad awoodo. Meelaha ugu 

muhiimsan waa cuntada, daawada iyo dhaqdhaqaaqa. Barashada sonkorowgu waxay 

kaa caawimaysa helida xogta, xirfadda iyo isku filaanshaha aad u baahan tahay. Wax badan

 ood ka ogaato sonkorowga, si wanaagsan ayaad u xadidi doontaa.

Maxaa Keena Sonkorowga?

Qofna ma yaqaan waxa keena sonkorowga oo saxa ah. Waxaanu ognahay in sonkorowga uusan ahayn cudur fudud. Waxaa jira sababo badan oo keena. Cilmi baarista waxaa lagu helay dhowr sababood oo qofka gelin kara khatar weyn si u qaado sonkorowga. Khatarahaas waxaa ka mid ah:

  • Kolostrooka HDL oo le’eg ama ka yar 40 iyo/ama heerka triglyceride oo ka weyn 20 mg/dl
    • Dhiig kar le’eg ama ka koreeya 140/90
    • Taariikh qoys ee sonkorow (Dhaxal)
    • Walaac iyo walwal (cudur, dhaawac)
    • Fayrus (nooca I sonkorowga)
    • Daawooyinka qaarkood (steroids)
    • Dhibaato sistamkaaga difaaca (nooca I sonkorowga)
    • Cimri (40 sano iyo ka kor)
    • Aad u cayilan iyo/ama fadhiya
    • Qabitaan sonkorow inta Uurka leedahay ama dhalid cunug ka culus 90lbs.
    • Midabka (sonkorowgu wuxu ku badanyahay Madowga, Isbaanishka, iyo Maraykan dhaladka ah)

Ma Waxaa Jira Hal Nooc Kabadan oo Sonkorowga ah?

Haa, waxaa jira noocyo badan oo sonkorowga ah:

Nooca I Sonkorowga
• Nooca II Sonkorowga
• Sonkorowga Shinka Mellitus
• Liiska hoose wa qodobo ka mid ah noocyada ugu badan sonkorowga. Nooca 1 Snkorowga
• Waxaa loogu yeeri jiray sonkorowga ku tiirsan insuliinka ama sonkorowga Dhallin yarada ee Mellitus (JODM)

• Inta badan wuxuu ku dhacaa inta ka horaysa 30
• Ma samayn beeryartu insuliin
• Inta badan waa miisan yaryahay
• Laga helay 5-10% dadka qaba sonkorowga Nooca 2 Sonkorowga
• Waxaa loo aqoon jiray sonkorowga Mellitus ee Dadka waaweyn (AODM)
• Inta badan wuxuu dhaca da’da 40 ka dib
• Xooga insuliin ah bay beeryartu samaysa
• Qofku inta badan miisan weynyahay
• Waa nooca ugu caansan sonkorowga. Waxaa laga hela 80-90% dadka sonkorowga qaba. Sonkorwoga Shinka Mellitus (GDM)
• Wuxuu dhacaa Uurka
• Haweenka inta badan culus
• Heerka sonkorta caadi bay ku noqota inta badan marka cunuggu dhasho
• Khatarta in uu gudbo nooca sonkorowga II hadhow nolosha (khaasatan haddad culustahay iyo/ama aad fadhido)
• Noocyada kale ee sonkorowga waxaa ku jira Dhaawaca Dulqaadka Sonkorta (IGT) iyo sonkorowga la socdaan xaalada ale.

Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegi doona nooca sonkorowga aad qabto.

Caruurtaydu Ma Ku Dhici Doonaa Sonkorowgu?

Inkasto sonkorowgu isu maro reeraha, waxaa jira fursad aad u yar in caruurtaadu Qaadan.
Fursadda caruurtu ku qaadi karto Nooca I ee sonkorowga waa:
2% haddii hooyadu qabto
6% haddii aabuhu qabo
5% haddii labada waalidba qabaan
Fursadda ay caruurtu ku qaadayso noca sonkorowga 2 waa 50% haddii hal ama 2 waalid qabaan. Aad bay caadi u tahay in nooca sonkorowga 2 uu reer isu maro. Sababtan darteed, reerkii leh taarikh sonkorowga nooca 2 waa inay yareeyaan isirrada khatarta ah.

Luminta culayska, haddii aad u culustahay, ayaa ugu muhiimsan.

Daawo ma leeyahay ?

  • Ma laha daawo sonkorowga, laakiin waxaa lagu xakameyn karaa:
    ◦ Cunto qaadasho
    ◦ Jimicsi ama cayaar
    ◦ Daawo
    • Dhakhtarkaaga iyo kooxda daryeelka caafimaadka ayaa kaa la shaqayn doona adiga iyo reerkaagaba si
  • aad u barato sida fiican loogu noolaado sonkorowga.
    • Cilmi baarista sonkorowgu waxay u shaqaynaysa si loo helo daawo. Waxaa kaloo jira shaqo la qabtay oo
  • lagu soo saaray tallaal Nooca I sonkorowga.
  • Waxaan kugu caawimi doona si aad wax badan uga barato sonkorowga. Weydiiso cashiro dheeraad ah
  • iyo dariiqado loo barto sonkorowga.
  • waxaa diyaariyey elias dinix


Bosaso24.com

E-mail: bosaso24@bosaso24.com

PUNTLAND OO XUKUN DIL AH KU FULISAY DHALINYARO KA TIRSANAYD URURKA SHABAB...

08 Apr 2017

PUNTLAND OO XUKUN DIL AH KU FULISAY DHALINYARO KA TIRSANAYD URURKA SHABAB...

08 Apr 2017

SHIRWEYNAHA DOWLADA PUNTLAND OO LA DAAHFUREY..

08 Apr 2017

MADAXWEYNIHII HORE EE SOOMALIYA HASSAN SHIEKH OO DIGNIIN U JEEDIYEY DOWLADA MARAYKANKA ...

08 Apr 2017

DOORASHADA MAAMULKA GALMUDUG OO DIB LOO DHIGAY

08 Apr 2017

WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALIYA IYO WAFDII UU HOGAAMINAYO OO GAAREY CADAADO ...

07 Apr 2017

DOWLADA MARAYKANKA OO WEERAR KA GAYSTAY DALAKA SYRIA

07 Apr 2017

DUPLAMAASIYIIN IYO SHAQAALE DOWLADA KA TIRSAN OO KI XIRA JOMO KENYATA AIRPORT....

07 Apr 2017

[Video] Daawo Heshiiskii Taariikhiga Ahaa Ee Ay Kala Saxiixdeen DP-World Iyo Puntland

07 Apr 2017

AKHRISO QODOBADII KA SOO BAXAY SHIIRKII GOLAHA WASIIRADA PUNTLAND

06 Apr 2017