List

Puntland oo mar kale isku dayeysa nidaamka Xisbiyada badan – Faallo

24 Feb 2016 posted by [userily ]

Asaaskii Puntland waxaa ka soo wareegtey 18 sano, waa muddo ku filan qaan-gaarnimo iyo waayo aragnimo, haddana waxaa la dhihi karaa wax badan ayaa qabyo ka ah Puntland. Axdigii lagu asaasey Puntland wuxuu qeexayey in uu ahaa kumeel-gaar, kaas oo ay ka shaqeeyeen khuburo dhanka shuruucda ah oo uu ka mid ahaa ku-xigenka Maxkmadda Caalamiga ah ee Adduunka Cabdiqawi Yusuf, Axdigaas waxa uu lahaa qodobo saldhig ahaa in aan maamulku xilka kororsan, haddii uu ku guuleysan waayo dastuur afti lagu ansixiyey waxa la yeelayo iyo in aan qodobkaas la bedeli karin, sida qodobki 34aad.

Qorshaha ayaa ahaa in muddo saddex sano gudaheed ah lagu diyaariyo dastuur, afti loo qaadey kadibna loo gudbo nidaamka Xisbiyada badan. Arrimahaas oo dhan waxay ku dhamaadeen fashil, waxaana ay Puntland noqotey goob lagu herdamo.

Sababta weyn ee mushkiladda dhalisey ayaa ahayd Axdiga oo muddada ku yareeyey maamulkii markaas la dhisey oo maamul kale ka horeyn marka laga yimaado kii Isimada, iyo maamulka oo damac iyo kudarsasho qaadey taas oo keentey wixii Puntland ka dhacay 2001-2003.

Maamulkii Cadde Muuse waxa uu sii anbaqaadey dastuurkii qabyada ahaa, waxaana xilku ka dhamaadey isaga oo aan afti u qaadin isla markaana aan far u dhaqaajin in laga gudbo nidaamka beelaha ee odoyaashu soo xulaan Xildhibaanada. Inkasta oo maamulkii Cadde Muuse aanu xilka saacad ku darsan ee doorasho la mid ah tii lagu doortey uu ku qabtey waqtigeedi.

Dowladdii Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa la dhihi karaa waxay isku daydey in ay wax ka bedesho nidaamkii hore.

Tallaabooyinkaii u horeeyey ee Dr. Faroole qaadey ayaa ahayd dib u eegista dastuurkii qabyada ahaa mudada dheer.

waxa uu markii u horeysey ku dhawaaqey guddiga madaxa banaan ee kumeel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC).

Xukuumaddii Dr. Faroole waxay dhamaystirtey dasturkii qabyada ahaa, waxayse ku fashilantey in ay afti dadweyne u qaado Dastuurka, taas beddelkeedna waxaa ergooyin gacanta lagu soo xuley la isugu keeney Garoowe bishii Abril 2012 kuwaas oo tiradoodu ahay 470 ergay waxaana ay si aqlabiyad ah ku ansixiyeen dastuurka, waxaana ka mid ahaa waxyaabaha loo sheegay haddii ay diidaan iyo haddii ay yeelaanba in u yahay dastuurka lagu dhaqmaayo.

Dastuurka ilaa afti dadweyne loo qaado ma noqon karo dastuur rasmi ah.

Xukuumaddii Dr.Faroole ayaa caqabad weyn kala kulantey hirgelinta nidaamka xisbiyada badan, ma ahayn dadka oo aan dooneyn ee waa dhibaatooyin farsamo oo maamulku la yimid, iyo xaaladda lagu jirey, waxaana ka sheegi karnaa:

  • Xukuumadda oo isku daydey in ay nidaamka Xisbiyada hirgeliso xili la aaminsan yahay in waqtigii ka dhamaadey isla markaana muran ka taagnaa sharciyadda ay 2013 xilka ku si hayneyso.
  • Muddada la doonaayey in lagu qabto laba doorasho oo Xisbiyo ah oo ka yar 12 bilood, taas oo aan ahayn suurta gal.
  • Dr.Faroole oo mar kale musharax ahaa doonaayeyna in Xisbigiisu noqdo kan ugu awoodda badan ee Puntland, iyaga oo dhamaan shaqaalihii Dowladda hal xisbi ka dhigay.
  • Dhaqaalihii Dowladda oo loo isticmaalayo Xisbigii Xukuumadda markiiba loogu magacdarey Xisbul Xaakimka.
  • Shacabka Puntland oo aan lahayn khibrad iyo aqoon ku salaysan nidaamka loo guurayo muddo aad u yar dhexdeeda iyo in badan oo ka mid ah shacabka oo aan kalsooni ku qabin sida xukuumaddii xiligaas daacad uga ahayd hirgelinta nidaamka xisbiyada badan.
  • Shacbaka oo aan hub ka dhigis lagu sameyn oo ay gacantooda ku jirto hubka kiisa culus, taas oo amniga waxyeelo u ah isla markaana keeni karta isku dhacyo culus.
  • Cod-bixiyaasha oo aan la diiwaan gelin iyo doorashada oo la sheegay in lagu gelaayo diiwaan la’aan.
  • Puntland oo fur-furantey isla markaana maamulo kale looga dhawaaqey gobolka ku qoran dastuurka, kuwaas oo aan la garanayn sida doorasho uga dhici karto iyo Xildhibaanadoodu halkey ka soo galayaan.
  • Beesha Caalamka oo ergo ahaan u soo dirsada kuwo aad u liita isla markaana aan garaneyn seensaabka iyo dhaqanka Soomaalida, waxaana ay cadaadis ku saareen Xukuumaddii Madaxweyne Faroole in ay hirgeliso nidaamka iyada oo aan xitaa laga fekerin qaabka uu noqonayo iyo sida ay u ekaaneyso.

Arrimahan aan kor ku xusney iyo qaar kale oo badan waxay keeneen in isku daygii Madaxweynihi hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole uu ku dhamaado fashil 14 Luuliyo 2013 ayuu ku dhawaaqey in gebi ahaanba la joojiyey, kadib markii rabshado iyo dagaalo ay dhaceen isla maalintaas.

Waxaa la kala direy guddigii doorashooyinka, waxaana dib loogu noqdey habkii hore ee beeluhu iska soo xuli jireen 66 Xildhibaan.

Dhibaatooyinka aan ka soo hadalney ee xiligaas qaar badan oo kamid ah ilaa hadda waa jiraan,a ama waa ka sii xun yihiin.

Mar kale iyo nidaamkii Xisbiyada

Madaxweynaha Puntland Prof. Cabdiweli Cali Gaas ayaa ol-olaha doorashada ku galay si lamid ah kuwii ka horeeyey in uu Puntland ka hirgelin dono nidaamka hal qof hal cod. Madaxweynaha Puntland ayaa arrinta sii fogeeyey waxaana uu si cod ah u yiri “…Eeg Adeer waxaan kuu sheegayaa Dowladeyda in ay fashilantey iyo in ay guuleysatey waxaa calaamad u ah hirgelinta nidaamka xisbiyada, haddii aan hirgelin-weyno macnaheedu waa in aan ku fashilney Puntland….” (Duubantahay)…

Guddiga Doorashada ee Puntland waxay kaga duwan yihiin kuwii hore wax badan, waxaana ugu weyn waxay haystaan meel ay wax ka bilaabaan oo tixraac leh, ugu yaraan, guddigii hore waxay ahaayeen Ban-Ka-Ood oo ma jirin xero ka horeysey oo ay reerka ku furaan, waxaana ku dhawaaqida nidaamka Xisbiyada badan uu ku qaatey muddo 15 bilood ah.

Diwaangelinta

Talaabada u horeysa ee laga doonayo in Guddiga doorashadu qaadaan markii shaqadooda loo asnixiyo ayaa ah in ay sameeyaan diiwaangelin rasmi ah, meel kasta oo ay macquul tahay in dadkeeda la diiwaan geliyo, taas oo fududeyn karta in ay dhacdo doorasho xalaal ah, Puntland waxay markasta ku doodaa in ay tahay Hooyadii dhashey federaalka, waxaana nasiib darro ah Hooyo aan caruurteedu u tirsaneyn in ay tahay.

Talaabada labaad ayaa ah in ay furaan dood cilmiyeed ku aadan nidaamka dimoqraadiyadeed ee Puntland qaadanayeso, marka aan ka hadleyno Dimoqraadiyad waxaan ula jeednaa waa habka doorasho, inkasta oo Dimqoraadiyaddu tahay mabda jira oo ku dhisan madax-banaaani, ayaa haddana shacabka Soomaaliyeed yahay Muslim aysan suurta gal ka ahayn in ay qaataan waxkasta oo Dimoqraadiyaddu u yeeriso, ee ay tahay in la ilaaliyo dhaqankooda ku fadhiya Qiyamka Islaamiga ah.

Dood cilmiyeedka ayaa la doonayaa in u salka ku hayo nidaamka doorasho ma waxa uu noqon:

Mid ceyriinka lagu qaybsado oo waxa la qaybsadey biseylkiisa tartan loo galo.

Tusaale


Beesha qansax waxay leeyihiin 4 xildhibaan waxay degaan magaalo hebla iyo magaalo hebla afarta Xildhibaan ee beesha Musharixiinta Saddexda Xisbi ee gaareysa 12 Musharax ha u tartameen, waxaa dhici karta in Xisbiyo kala duwan ay ka yimaadaan ama hal xisbi u urursado codkii beeshaas.

Mise waxaa ku habboon hal qof hal cod waxba yaan horey loo qaybsan ee miraha ka soo baxana duuduub haloo liqo!, marka la eego bur-burka siyaasadeed ee Soomaaliya ku yimid, iyo ku xinaanshaha qabiilka aad ayey u adagtahay in natiijada caynkan oo kale ah lagu qanco, wuxuu lee yahay taariikh dheer o buug laga qori karo.

Haddaba waxaan tusaalayaasha u keenay waa in wax lagu qaato wixii la soo marey isla markaana ka hor la yeeshaa dood cilmiyeed waxtar leh oo la isku keenaa dhamaan mufakiriinta.

Talaabada saddexaad ayaa ah wacyigelin, taas oo ka duwan tii hore,waxaa ku baxay dhaqaale aad u faro badan boorar websiteyada lagu qorey ama fariimo laga sii daayey raadiyaasha, ku koobneyd, waxaa muhim ah in la gaaro dadka ay aadka u khuseyso shacabkana loo qabto wacyigelin, iyaga laga qaato tusaalooyinkooda, iyada oo aan laga maarmeyn warbaahinta.

Talaabada afaraad ayaa ah in isla sanadkan 2016 ay ku dhawaaqaan oggolaanshaha furashada Xisbiyo siyaasadeed si looga gaashaanto wixii horey u dhacay, waqtigu kulama jiro ee waa kaa jiraa markasta, waxayna aad u yarayn kartaa in mucaaradku ka niyad jabo hankooda xisbiyada.

Ugu danbeyntii Xukuumadda Prof. Gaas, ayaa ku guuleysan kara nidaamkan haddii ay daacad ka tahay waxana uu noqon karaa mid taariikhda Puntland ku gala sidaas ama waxay noqon taariikh kale oo laga sheekeeyo.

Bal aan eegno waayaha iyo waqtiga imaan



Bosaso24.com

E-mail: bosaso24@bosaso24.com

MADAWEYNAHA DOWLDA PUNTLAND OO DAAHFUREY FURASHADA XISBIYADA

25 Mar 2017

KOOXO LOOGA SHIKIYEY BURCAD BADEED OO DOONI KU AFDUUBTAY XEEBAHA KU AGDHOW DEGMADA ...

24 Mar 2017

SHIRKA WASIIRADA ARIMAHA DIBADA URUR GOBELDKA IGAD OO NAIROBI KA FURMAY

24 Mar 2017

MUDANAYAASHA BAARLAMAANKA SOOMALIYA EE KAMID NOQDAY XUKUUMADA CUSUB OO KULAN AAN CAADI AHAYN LA

24 Mar 2017

AFHAYEENKA DOWLADA PUNTLAND OO SHACA KA QAADEY IN HAWLGALO AMNI LAGA BILAABAYO CAASUMADA ...

24 Mar 2017

MADAXWEYNAHA DALKA KENYA IYO SOOMALIYA OO SHIR JAAARID WADA QABTAY ...

23 Mar 2017

KENYA IYO SOOMALIYA OO QODOBO MUHIIM AH NAIROBI KU KALA SAXIIXDAY

23 Mar 2017

QARAMADA MIDOOBAY OO KAHADASHEY IN AY WELI HELIN CODSIGII LACAGEED EE WAX LOOGA QABANLAHAA KALMA

23 Mar 2017

MADAXWEYNAHA DOWLADA PUNTLAND OO KA SOO DAGAY GAROWE

22 Mar 2017

Hawlgal laga sameeyey magalada galkio ee gobolka mudig laguna soo qabqabtay dad....

22 Mar 2017