List

Benzema Oo Laga Qaaday Xayiraadii Laggu Soo Rogay

12 Mar 2016 posted by [boosaaso ]
Weeraryahanka Karim Benzema waxa uu hadda ciyaari karaa kulamada heerka qaran ee Faransiiska, sida Euro 2016-k, kaddib markii laga qaaday xayiraado sharciyeed oo saarnaa.
Benzema waxaa laga baarayay lugta uu ku lahaa koox lagu eedeeyay inay khiyaameynayeen saaxiibkiisa Faransiiska ee isku kooxda Yihiin Mathieu Valbuena.
Ciyaaryahanka Real Madrid u dheela – oo beeniyay inuu qaladkaas ku lug lahaa _ looma ogoleyn inuu la xiriiro Valbuena, taas oo micneheedo ahaa inaysan isku koox noqon karin.
Laakiin, racfaan uu ka qaatay arrintaasi ayaa keentay in maxkamad ay qeyb kamid ah xannibaadda saarney ay tuurto.
Sikastaba, Benzema, oo dhaawac ah, ayaa bishii December laga joojiyay shaqadii uu u hayay xulkiisa Qaranka ee Faransiiska.
Xanibaadaasi waxaa loogu talagalay inuu sii socdo illaa hanaanka dhageysiga maxkamadda uu ka bilaabanayo.
Qareenkii baaritaanka sameynaayay, bishii lasoo dhaafay uu joojiyay amarkaasi ah in Benzema iyo ciyaaryahanka Lyon Valbuena aysan isu imaan karin.
Dacwad oogaha ayaa racfaan ka qaatay, laakiin maanta oo jimca ah ayaa racfaankaasi la diiday.
Qareenka u doodaya Benzema, Sylvain Cormier, waxa uu go’aankaasi ku tilmaamay “tallaabadii ugu horeysay”.
Ciyaaryahanka 28 sano jirka ah waxa uu weli wajahayaa dacwado la xiriira Khiyaamo iyo hanjabaad la xiriirta cadaadis ku saabsan muuqaal galmo oo uu ku lug leeyahay Valbuena.
Haddii lagu helo dembi, waxa uu wajahayaa ugu yaraan shan sano oo xabsi ah.

Bosaso24.com

E-mail: bosaso24@bosaso24.com

PUNTLAND OO XUKUN DIL AH KU FULISAY DHALINYARO KA TIRSANAYD URURKA SHABAB...

08 Apr 2017

PUNTLAND OO XUKUN DIL AH KU FULISAY DHALINYARO KA TIRSANAYD URURKA SHABAB...

08 Apr 2017

SHIRWEYNAHA DOWLADA PUNTLAND OO LA DAAHFUREY..

08 Apr 2017

MADAXWEYNIHII HORE EE SOOMALIYA HASSAN SHIEKH OO DIGNIIN U JEEDIYEY DOWLADA MARAYKANKA ...

08 Apr 2017

DOORASHADA MAAMULKA GALMUDUG OO DIB LOO DHIGAY

08 Apr 2017

WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALIYA IYO WAFDII UU HOGAAMINAYO OO GAAREY CADAADO ...

07 Apr 2017

DOWLADA MARAYKANKA OO WEERAR KA GAYSTAY DALAKA SYRIA

07 Apr 2017

DUPLAMAASIYIIN IYO SHAQAALE DOWLADA KA TIRSAN OO KI XIRA JOMO KENYATA AIRPORT....

07 Apr 2017

[Video] Daawo Heshiiskii Taariikhiga Ahaa Ee Ay Kala Saxiixdeen DP-World Iyo Puntland

07 Apr 2017

AKHRISO QODOBADII KA SOO BAXAY SHIIRKII GOLAHA WASIIRADA PUNTLAND

06 Apr 2017